Ebola waa cudur aad khatar u ah oo dilaa ah oo ilaa hadda aan loo haynin talaal la hubsaday oo la diiwaan galiyay. Cudurkan oo ilaa hadda aad ugu saaqay Galbeedka Afrika, meela kala duwanna laga sheegay dad dhex joogay oo cuduka uu ku dhacay ayaa waxaa ka mid ah calaamadaha lagu gartay;

Qofka marka ugu horeysa uu ku dhoco waxaa lagu arkaa qandho daran, madax xanuun, laabatooyinka iyo murqa xanuun, cunaha oo barara iyo murqaha oo qofka uu ka kici waayo oo daciifa.

Inta u dhexeysa 2-21 maalmood guduhood, marka uu qof qaado Virus-ka ebolaha keena ayay calaamadahan si kusoo booda ah uga muuqanayaan, gaar ahaan 5-7 maalin gudahood.

Digniinada caalamka la siinayo waxaa ka mid ah qofka kazoo noqda wadamada Galbeedka Afrika sida Liberia, Guinea, Sierra Leone ee calaamadahaa isku arka inuu gurigiisa fadhiisto inta ay dhkhaatiirta uga imanayaan.

Siyaabaha uu cudurka Ebola u faafo waa in qof qaba cudurka lala kulmo oo uu gaadho dhiiga ama dhacaanka qofka kale. Ma aha sida Virus-ka hargabka oo neefsashada lagu kala qaado. Sidaa daraadeed, dadka ugu badan ee cudurka uu ku dhacay waxay ahaayeen dad ku dhex jiray dadkii jiranaa oo ama eheladooda ahaa ama daaweynayay.

Sidaan horey usoo sheegnay ilaa hadda daawo ama talaal lagaga hortago cudurka Ebola ma jiro, sidaa daraadeed dad uu ku dhoco cudurka meel ayaa lagu ilaaliyaa iyagoo la ilaalinayo qiyaasta dhiiga iyo heerka Oxygen- ka iyo in lagu xidho qalab taageera shaqada xubnaha hoose sida neefsashada.

Calaamada lagu garto qofka qaba cudurka Ebola:

-Qandho (kulaylka qofka oo gaadhaya 38.6C)
-Madax xanuun aad ah.
-Murqa xanuun.
-Daciifnimo.
-Shuban.
-Mantag.
-Calool xanuun.
-Dhiiga oo si aan la garanaynin iska furma.

Halkan ka daawo Filim ka hadlaya:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay