Waxaa khadka taleefanka ee looyaqaano (Tel Conference) iskugu yimid Gudiga Maamulka Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Germany  iyo ururka  Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya ee marka lasoo gaabiyo looyaqaano OYSU. Shirkan  oo ahaa mid  siwanaagsan loosoo agaasimay ajendihiisa oogu wayna uu ahaa abaabulka iyo wacyigalinta bulshada ee xaga isgaadhsiinta iyo wada shaqaynta kusaabsan hawlaha kala duwan ee halganka Somalida Ogadenya  ayaa waxaa lagaga  hadlay arimo farabadan ooy kamid ahaayen horumarinta jaaliyada iyo shaqooyinka sanadkan horyaala Jaaliyada  Somalida Ogadenya ee wadanka Germny iyo sidii  looga midho dhalin lahaa qorsheyaasha udajisan.

Hawlaha Jaaliyada miiska usaaran ayaa waxaa kamid ah doorashada ururka dhalinyarada  OYSU  ee dalka Germany taasoo bilaha fooda inagu soo haysa kadhici doonta wadanka  jarmalka  haduu eebuhu yidhaahdo. Sidoo  kale  waxaa  iyaguna  shir abaabul ah kawada gobalka Bayer München qaar ka mid ah  Maamulka  Jaaliyda kuwaasoo maalmahanba kusugnaa  Bayer sidii ay ula kulmi lahayeen qaybaha kala duwan ee Jaaliyda  Somalida Ogadenya ee aagaas kudhaqan. Sanadihii udambeeyay ayay mamulka jaaliyadu ka fureen laamo iyo faracyo farabadan oo dhamaantood kawada tirsan dallada jaaliyada S-Ogadenya ee wadanka Germany. Faracyadan ayaa sitoos ah oogu hawlan hirgalinta mashaariicda horumarinta Halganka ee gobolladaas ah kusuganyihiin iyo waliba wacyigalinta bulshada qaybeheeda kala duwan ee kudhaqan gobolladan laga yagleelay faracyadan cusub ee laga hirgaliyay dalka Germany.

 

ONA-Germany

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay