Waxaa aad sharaf dhac ugu ah guud ahaan umadda Somaliyeed gaar ahaan shacabka Ogadenya in goobtii ay safaaradda Itobiya ka xishootay inay soo fadhiisato lagu soo maqiiqo Ina Duulane. Waxaa sii siyadiyay sharaf dhaca markuu la soo fadhiistay goobta waxaan ahay Ugaas, inkastoo aanan garanayn inuu u sharxay gabadhii wariyaha ahayd macnaha Ugaas hasa ahaatee wuxuu qasab kaga dhigay inay mansabkaa adeegsato. Waxaa hubaal ah inay Ugaasyadii dalka arintaasi u cuntami doonin, taariikhna aanay u ahaan jirin hasa ahaatee horay Somalidu ugu maahmaaheen –Mas baa abur dhala – markay la yaabaan liidanaanta wiil ay aabihii garanayaan raganimadiisa.

Waxaa ceeb ma hadhaan ah ku ah ina Duulane (haday ceebi wax ka dhimi) inay ahayd ina adeertii oo uu garanayo gabadha lixda bilood ee uurka ah iyadoo leh sida naxariisdarada ah loogu jidh-dilay xabsiga oo ilmihii caloosheeda ku jiray looga soo tuuray. Waxaa wariyadii iyo dadkii daawadayba ka yaabisay inuu ku difaaco dambiilayaashii gabadha dhibkaa u gaystay waxay ku jirtaa gabadha xerada qaxootiga Dhadhaab sida iyadoo cararkeediina uu dambi yahay.

Safaaradda Itobiya ee London way ogaayeen filimkan iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, horaana loogu sheegay inay soo dirsadaan qof difaaca Itobiya dambiyada lagu haysto. Safaaradda waxaa jooga qawmiyada kala duwan, waxaana ka mid ah Wayaanaha, hasa ahaatee midkoodna iskuma quudhin inuu sharaftiisa ku waayo halkaa, halkaasoo laga soo diray shaqsigan.

Maxaa isaga loo doortay? Waa su’aal meesha ku jirto. Ma diidi karay sida saaxiibadii inuu sharaftiisa ilaashado? Inkastoo su’aasha labaad aanan si dhab ah uga jawaabi Karin, hadana midda hore hadii la fahmo way dhib yartahay in la mala awaalo siduu u fikirayo Ina Duulane markuu dhex joogo Safaaradda.

Cilmiyan marka qof laga dhaadhiciyo in jagada loogu dhiibay inuu fulyio muhimad gaar ah, isla markaana uu isu arko inuusan u qalmin jagada sida ina Duulane ka dhaadahcsan oo waa Somali (qushaashaa), wuxuu aaminahayaa hawshiisa inay tahay un inuu la dagaalamo kuwa uu magacooda xambaarsan yahay (Ugaas). Oo haduu diido ay tahay dambi uu ka galay dadkii u soo xilsaaray jagada. Ina Duulane markii loo soo dirayay London muhiimadda (assignment) la soo siiyay waxay ahayd inuu Jaaliyadda Ogadenya ee daggan UK/ London kala furfuro, qabiil u kala tuuro, haduu ku guulaystana uga sii gudbo wadamada kalee Yurub.

Sharaf dhac aan waligeed ka hadhaynin ayuu kala kulmay barnaamijka, oo xataa gabadhii wareysanaysay ayaa la yaabtay indha adeygiisa inkastoo la wada arkayay siduu indhaha uga miriq-miriq siinayo inuu been sheegayo oo aanu ku qanacsanayd wuxuu ku hadlayo, hoostana uu ka ilmaynayo.

Waxaa la sheegay in mid daba-qoodhi ah uu xabad ku dhuftay walaashii markuu u adkaysan waayay oohinteeda iyo darxumada ka muuqata markii lagu soo faraxumeeyay xabsiga. Hadda tolow Ina Duulane ma wuxuu aadi doonaa xerada Dhadhaab suu uga kexeeyo oo xabsiyadii ay ka soo carareen loogu dhex dilo gabdhaha xerada ku jira ee dhibaatada ay ciidamada Itobiya u gaysteen la taahaya oo kolba wariye ajnabi ah uu ku booqanayo. Bal aan aragno talaabada uu qaado ee midan ku xigta.

Waxay Safaaradda ka soo daba tuurtay bayaan saxaafadeed oy ku eedeynayso BBC-da inay uga hiilisay ururada mucaaradka ah (argagixsada aan ku darnay siday hadalka u dhigeen) iyagoo codsanaya in waqti kale la siiyo. Tolow ma dadkii gudaha Itobiya laga soo wareystay ayay keeni doonaan oo dhahaya wariyaha BBC-da ayaa na laaluushay saan u sheegno beenta aan sheegnay ee hana cafiyo Ato Meles. La arki doonee!!

ONA.

 
 

7 Comments

  1. asad says:

    waa saad u sheegtay oo kani waxba ma dhaamo bulaacada aad ku sheegtay u malayn mahayo nin iga xiga in uu jiro cabdi rashiid waxa aana leeyahay waa duli muusan raacin awoowgay duulane Awoowgay duulane waxa uu ahaa halgamaa muda dheer u halgamayey wadanka laakiin cabdi rashiid muusan u abaal gudin ama muusan oofin himiladiisii ahayd in wadanka loo halgamo oo gumaysiga madoow ee abasinia waxa aan leeyahay kolay ilaawi mayno dardaarankii awoowgeen laakiin adigu meesha aad ku dambayso ayaan arkaynaa
    Waxa aan la sheekaystay mid ka mid uabadka uu dhalay awoow duulane waxa uu ii sheegay qofkaasi waxa aan ku noolaynnxamar waxa dhacday qof ka mid ah qaraabadanad ayaa ka soo barakacay wadanka ogadenya aabahay ayaa na yiri anga oo labo qof ah orda oo xaafada madiina ka soo raadiyo guri kira ah oo aan qoyskan soo barakacay la dajiyo si loogu kireeyo waxa aan soo helay guri waxa guriga shuruud looga dhigay in ay ka bixi doonaan 6 bilood kadib ka bixi doonaan gurigan waxa aan u sheegnay aaba dulane wuu qoslay aabe duulane waxa uuna yiri oo aabe maxaa na dhigayaa 6 bilood hada ka dib ah xamar wadankanagii ayaaba xoroobaya oo gumaysiga ka hoos baxaya oo inta ka horaysa ayaanu ogadenya oo xor ah aadaynaa waxa ay ahayd xiligaa 1980s bal fiiri labadan shaqsi farqiga u dhaxeeya waa aabihii ninka sas u fakarayey asaguna waxa uu u fakarayaa sidan xataa waxa uu inkirataa gabdhahan la kufsaday lagu xadgudbay sharaftoodii karmagaranayo meesha uu ka keenay dulinimadanaamadoodii iyo dadnimadoodii

  2. Hanad says:

    Waa Run Mas baa abur dhala waxaa xerooyinka qoxootiga ku sugan dad ehel ay yihiin cabdirishid oo aad oola yaabana heer ay gaadhay damiir xumidiisa waan cajiib in nin dadkiisa og xaalada ay ku suganyihiin uu sidaas u hadalo

  3. wardheer says:

    haa waa sax oo waa damiir laawe koley waaa ogyahay waxa ka jira dhulka laakiin waa nin llahayste ah oo aan hadli karin saas oo ay tahay hdana waxa u dheer dulinimo iyo damiir xumo aan lagu aqoonin qoyskii uu ka soo farcamay oo ahaa qoys halganka Ogadenya udu dhaxaad u ahaa

  4. Ahmed says:

    Watching the interview, I was taken aback by the guy’s facelessness. At a time when no one in the world can hide dictator Meles Zenawi’s despicable human rights violations and his deadly abuse of aid, this shiftless fool did everything he could to defend the indefensible. But pitifully, unlike a convincing liar like his boss(Zenawi), he freak-out in front of the truth!!

    Unable to defend his government’s grand untruths, he definitely left the scene huffing and puffing. I hope the interview has ignited a mental spark for the guy unless he is already beyond repair.

  5. Ahmed says:

    Ma lasocotaan Abdrashid Duulane inuu ku calool galay Gojam, maadaamoo aabihii Xabsi ku xidhnaa Gojaam ah, sidaana uu ku dhashay gobalka Amxaarada ee Gojaam. Waa sida ay sheegaan dadka ehelkiisa ah.

    Waxaan filayaa inuu san kaligii ku dhalan ee kuwo ka waawayn ama ka yar-yar oo ilma Duulnae ah baa ku dhashay meelo kamid ah Itoobiya kore iyagoo Aabahood u xidhan yahay XaayleSelasse.

    Nasiib darro, isagii oo dhibane (victim) ah, buu haddana Gumaysigii u shaqaynayaa, meeshii uu ka aar-goosan lahaa, Aabihiina uga aar-gudi lahaa.

    Dulli Fowqal Dulli,

  6. lehelow says:

    waa saas oo uu san ogayn in ay dhib ku hayso ama ay u gaysatay Ethiopia asaga oo ah dhibane victim ayuu waliba leeyahay waxa aan ahay itobiyaan waxa aan dhihi karaa ma aha qof uu ku jiro dhiiga diira

  7. KhayreOne says:

    As the title said, Abdirashid Duulane, he is a toilet brush used only when needed by Ethiopia. How can anyone defend the same people who raped our women, starved our children, burned our homes; he must be a psychopath. Shame on you!

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay