Mudaaharaad balaadhan oo saaka gilgilay magaalo madaxda dalka Denmark ee Copenhagen ayaa weli u socda si xowli leh oo ay shacabka ogadenya iyo midka Somaliweynba kasoo qayb galeen.
Mudaaharaadkan oo lagaga soohorjeedo horjoogaha maqaarsaarka ah ee taliska Gumaysiga Itoobiya Hailemariam Deseglen ayaa hada kasocda xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Denmark horteeda. Waftiga Gumaysiga Itoobiya oo uyimid dalka Denmark ineey sidii caadiga ahaydba beesha caalamka deeq dhaqaale kaga aruursadaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Gumaysigu aad u xagal daacsan yahay taasoo sabab looga dhigayo siyaasad xumida iyo khilaafaadka joogtada ah.

Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Denmark ayaa siwanaagsan usoo abaabushay mudaaharaadkan maanta kasocda Copenhagen.

Faah faahinta kusaabsan mudaaharaadkan waxaan idiinku soo gudbin doonaa haduu Allaha awooda lihi karaali noqdo wararkaanaga dambe ee hamoogaanina.


 

Copenhagen-Denmark

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay