Waxaa saaka magaalada Durban ee wadanka Koonfur Afrika lagu dilay alaha u naxariistee Budul Daahir Cabdi waxaana isla goobtaas lagu dhaawacay C/raxmaan Maxamed Faarax (Cabdiyare)
muwaadiniintan oo u dhashay wadanka ogaadeeniya ayaa saaka budhcad hubaysan kugashay dukaankii ay joogeen xili aroor ah waxayna isla markiiba rasaas kufureen muwaadiniintan oo ku mashquulsanaa hawlo ganacsi xili aroor ah
waxaana rasaastaasi dhuunta ka haleeshay allaha u naxariisteen Budul Daahir Cabdi wuxuuna ku nafwaayay isla goobtii halka Cabdiyare laba xabadood kaga dheceen gacanta midig iyo naaska waxaana loola cararay Hospital kuyaala magaalda Durban,budhacadan ayaa dhacday dukaankii lagu laayay wiilasha.

Sanad hore mar aan booqasho kutagay dukaankaas waxaan lakulmay isagoo markaa la dhacay,deegaankaas oo soomaalidu dhawaanahan kusoo badanayso ayaa dhibaatooyin aan lagu aqoonin lagu arkayaa sanadkan halka meelihiii kale ee wax ka dhici jireen aad moodo in ay sii yaraanayan melaha qaarkood

Shalay unbay ahayd markii soomaalida magaaladaas dagan Aasayeen marxuum isna sidoo kale loogu dilay isla magaaladaas marxuumkaas oo aysan noo suu roobin magiciisa in aan helno.

Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisteen Marxuum Budul Daahir Cabdi isagana Janadi alle ha geeyo..Aamiin..Aamiin

sidoo kalle waxaan Cabdiraxmaan Maxamed oo dhawac ah alle uga baryaynaa in uu caafimaad taam ah siiyo amiin amiin

Gumaysidiid
ONA
South Afrika







 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay