Maamulka Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Gobolka Victoria ee dalka Australia (JOVIC) oo shir muhiim ah kuqabtay xarunta ay Jaaliyadu kuleedahay magaalada Melbourne.  Shirkan ayaa sidii caadiga ahayd lagu furay aayado Quraan ah iyo wacdi kooban oo diini ah kaasoo aad udhaqaajiyay dareenka kaqaybgale yaasha. Kulankan ayaa waxaa daadihinayay Gudoomiyaha JOVIC ee magaalada Melbourne Mudane Hassan Ahmed Nuur. Kulankan ayaa waxaa simugwayn leh loogu wada gorfeeyay qodobo muhiim u ah geedi socodka hawlaha guud ee Halganka Somalida Ogadenya: Qodobada lagaga hadlay shirka waxa kamid ahaa; Dhameystirka gudiga jaaliyada, Dar dar galinta hawlaha jaaliyada iyo xoojinta halganka kasocdo gudaha Ogadeniya, wacyi galinta ama abaabulka bulshada Ogadenia ee ku dhaqan Melbourne.
Shirka waxaa warbixin dheer kasoojeediyay mudane Hikam Sheikh. Warbixintan oo kusaabsan xaalada kalaguurka ah ee uu halganka Somalida Ogadenya marayo gudo iyo dibadba wuxuuna xubnaha kubooriyay in dadaalka balaadhan eey kujiraan qofwaliba meeshiisa uu kasii laban laabo. Shirkan oo ahaa mid siwanaagsan kubilowday ayaa wuxuu uqabsoomay sidii loogu talagay. Gudiga Jaaliyada Ogadenia ee Magaalada Melbourne ayaa bilahan dambe dar dar cusub iyo xoojinta howlaha loo igmaday sidii loo baahnaa uga wado dhamaan gobalkan Victoria ee dalka Australia. Shirkan oo ahaa mid jilbaha la isugu laabtay ayaa waxa uusocday muda dhawr saac ah, oogu dambayntii kulankan ayaa kudhamaaday jawi aad uwanaagsan oo guul laga gaadhay qorsheyaashii loosoo agaasimay kulankan.
Wa Billahi Towfiiq.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay