Shir Waxgaradka, Cuqaasha Hawlwaddeenka Jaaliyadu isgu yimaadeen ayaa ka dhacay Xaafiiska Jaaliyadda ee Faraca Uitehage.Shirkan ayaa lagaga warbixiyay xaalada Halganka Ogaadeeniya waxaana warbixin dheer ka soojeediyay hogaanka Warfaafinta Jaaliyada Mudane Cabdiraxmaan siciid wuxuuna ka warbixiyey qorshaha iyo shirqoolada uu maleegayo cadawgu sidoo kalle furfurka iyo kala daadsanaanta Ethiopia wuxuu hogaanki intaas kudaray doorka odayaasha looga baahan yahay

Sidoo kale hogaanka abaabulka Mudane Yusuf Islaam ayaa ka warbixiyay marxaladihii lasoomaray iyo doorkii uga banaanaa Odayaasha Ogaadeeniya gaar ahaan kuwa kunool qurbaha,wuxuu hogaanku siwaafi ah uga warbixiyay ujeedada socdaalkooda.

Waxaa goobta ka hadlay odayaashii iyo hawlwadeenkii Jaaliyada waxayna odayaashu garawsadeen in uu jiro halganka
Ogaadeeniya kaalin uu leeyahay oo u banaan odayaasha waxayna balan qaadeen in ay buuxinayaan. Sidoo Kulankaas qiimaha badan kadib waxay wafitidu sigooni ah ula kulantay maamulkii faraca waxayna isla qorsheeyeen shir balaadhan oo kadhicidoona magaalada Uitenhage maalinta 24 bisha.

Shirarkan isdaba jooga ah ee looqabtay bulshada noocyadeeda kala duwan ayaa ku salaysnaa hal ujeedo oo ah sidii looxoojin lahaa halganka gude iyo dibadba.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena. Danbe

Gumaysidiid
South Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay