Waxaa maalintii talaada ka ambabaxay  magaalada Edmonton  wafti aad u balaadhan oo uu hogaaminaayo isuduwaha jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeeniya ee dalka canada  mudane Yuusuf Ismaaciil oo ay weheliyaan gudoomiyaha  jaaliyada Edmonton C/raage Cali iyo madaxa hogaanka arimaha dibada ee jaaliyada Edmonton Cumar Xirsi, iyagoo  Kormeer shaqo ugu socdaalay jaaliyada magaalada Fort Mcurray  oo u jirta 450 km xarunta dhexe ee jaaliyadaha gobolka Alberta magaalada Edmonton .

Waftigaa waxaa afaafka hore ee magaalada fortmcmurray kaga hor yimid oo si heer sare ah u soo dhaweeyey xubnaha jaaliyada oo uu horkacayo  gudoomiyaha jaaliyada magaalada  halgame faarax mursal  wuxuuna war bixin gaaban halkaa ku siiyey waftiga una dhaadhiciyey dhinac magaalada.

Waftiga oo kormeer shaqo  ugu yimid jaaliyada ayaa waxay si gooni gooni ah ula kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ogaadeeniya iyo soomaali weynba  iyagoo uga  warbixiyey maanta halganka ka socda ogaadeeniya ee ay hogaaminayso jabhada wadaniga xoreynta ogaadeeniya (Jwxo)  in uu marayo meeshii ugu saraysey loona baahanyahay in si xoog badan looga qayb qaato,kormeerkan oo ahaa mid abaabul iyo is xog waraysi ayaa wuxuu qaatay mudo Laba maal mood ah wuxuuna ku soo dhamaaday  guul waxayna ku balameen in ay dib isugu soo noqon doonaan hadii ilaahay yiraahdo,waftigu waxay si nabadgelyo ah dib ugu soo noqdeen magaalada edmonton  ee xarunta jaaliyadaha gobolka  alberta.

ONA/CANADA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay