Waxaan Q4aad kusoo marnay in Ururka Itobiya qabsaday ee TPLF soo maray halgan adag oo dhiig badan uu ku daatay. Halgankoodii dheeraa wuxuu dhaxalsiisay inay ku dhalato cuqdad joogta ah oy u arkaan dhaq-dhaqaaq kasta oo diida nidaamkooda mid lid ku ah jiritaankooda, iyagoo islamarkaba ku tala galaya inay baabi’yaan (Annihilation). Waxay arintaa ku cadeet wrqaddii uu kasoo diray Safiirka Mareykanka Mr. Yamamaato oo uu kaga hadlay fikradda uu ka aaminsan yahay Meles Zinawi ururka ONLF.

Waxaa kaloo aan kusoo sheegnay Q4aad inay Itobiya ku talagashay, caalamkana ogaysiisay inay si dhaqsa ah usoo afjari doonto halganka ka socda Ogadenya iyo jiritaanka ururka ONLF, mudadaa yaree ay wadaan ololahana laga aamuso dhibaatada ay u gaysanayaan dadka shacabka ah. Qorshaha ay dajisteena wuxuu ahaa inay dagaalka ugu badan shacabka ku qaadaan. Istraatiijiyada ay kula dagaalameen shacabkeena waxay kasoo minguuriyeen dagaalkii uu Mingisto ku qaaday gobolka Tigree, oon kusoo sheegnay in asaas loogu dhigay waxay ku sheegeen; (Drain the pond to catch the fish) oo ah Biyaha ka Madhi Baliga Saad usoo Qabato Kaluunka. Waxaa kaloo aan soo sheegnay in dhaqanka Itobiya uu ahaa welina tahay in kolba midka xukunka qabsada uu kula dhaqmo shacabka; Hadaad Diido Adoonsiga Waan ku Dilayaa. Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya oo waligiiba diidanaa adoonsiga Itobiya halgan adagna kula jiray xukuumadihii Adisababa iska bad-badalayay, waxay kala kulmeen xukuumadihii isa soo badbadalay gaar ahaan middan Tigree ee hadda jirta gumaad iyo xad-gudub aan horey usoo marin oo gacma kala duwan ay fulinayaan.

Hordhacaa yar ka dib; Dagaalka ururka TPLF ee Itobiya qabsaday ay kusoo qaadeen shacabka Somaliyeed ee Ogadenya waxuu soo maray 3ex marxaladood oo kala duwan. Marxaladahaa oo gumaysiga Itobiya uu midwalba ugu talagalay inuu ugu dhameeyo JWXO wuxuu mid walba kala kulmay natiijaduu ka filyay mid ka duwan. Hadaan soo koobno;

-Marxaladda 1aad Wuxuu ahaa midkay u qorsheeyeen inay ku laayaan dhamaan madaxda jabhadda iyo odayaasha qiimaha ku dhex leh bulshada. Marxaladdan oo ahaa midkay ku soo talagaleen kooxda TPLF markay qabsadeen Adiisababa wuxuu ahaa inuusan ka jirin dalkan ay qabsadeen qof madaxa kor u qaadi kara oo is-hortaagi kara qawmiyadda Tigreega. Laba heer ayay u qaybiyeen marxaladdan. Heerka 1aad wuxuu ahaa midkay ku diiwaan gashanayeen xubnaha ka dhaq-dhaqaaqaya qawmiyad walba, iyo sida ugu haboon ee looga takahalusi karo. Heerka 2aadna wuxuu ahaa fulinta qorshihii loo dajiyay xubnahaa la bartilmaansaday in lagaga takhaluso.

Muddo sanad ah waxay dusha ka ilaalinayeen oo aanay faraha la galin hab maamulka qawmiyad walba ooy ku yidhaahdeen shaqa idinkuma lihin, ujeedadana waxay ahayd inay sidaan soo sheegnay diiwaan galiyaan xubnaha ay ku talagaleen inay ka takhlusaan. Gaar ahaan Somalida Ogadenya, oo ay cabsi gaar ah ka qabeen, waxay ku dhex fureen xamaasad qabiil iyagoo dhagta ugu sheegay reer walba inuu xisbi gaar ah samaysto say u bartaan shaqsi walba hadafkiisa iyo kartidiisa. Waxay si gaar ah fursad u siiyeen xubnihii ONLF inay xafiisyadooda maamulaan iyagoo leh waxaan nahay laba jabhadood oo idinma soo faragashanayno. Waqtigay ku talagaleen ayayna fuliyeen qorshihii dilalka iyagoo isla bil gudaheed ku dilay madaxdii xafiisyada ONLF uga furnaa magaalooyinka iyo odayaashii ay calaamadiyeen.  Waxaa tusaale loosoo qaadan karaa dadka iyo xubnaha ay dileen;  Gudoomiyihii magaalada Goday Ugaas Miraad Layli, gudoomiyihii magaalada Qabridahre Mohamed Cumar Tube iyo Kuxigeenkiisii Deeq Maxamuud Carab. Waxaa kaloo kamid ahaa gudoomiye kuxigeenkii Magaalada Wardheer C/laahi Ganay iyo Gudoomiyihii Magaalada Qalaafe Diiriye Dhaqane.

Marxaladdan waxaa si fiican loogu xasuusan karaa dhacdadii Wardheer oo qorshaha uu ahaa inay ku qbtaan oy ka takhalusaan Gudoomiyihii jabhadda AUN Sh. Ibraahim Cabdalla. Nin goobjoog ka ahaa dhacdadaa ayaa u qoray sidan;

Intii lasugayay imaanshaha gudoonka waxaa jirtay inay wayaanuhuna ka shaqaynayeen qaabkii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gudoomiyaha Jabhadda Alla ha unaxariistee Sheikh Ibrahim Abdala Maax. Waxay ogaayeen ciidanka dhan ee ONLF ka jooga magaalada Wardheer inuu ahaa in kayar 20 askari, wuxuuna ahaa ciidan loogu talagalay ilaalada xafiiska Jabhada ee magaalada ku yaala. Waxay lahaayeen tayo aad usaraysa oo niya bir ah ayay  hayeen, waxaase ka liitay hubka oo hal askari oo qorigiisu u buuxay muuna jirin. Diyaar garow aad ubalaadhan, sidii  Sheekha loosoo dhawayn lahaa ayaa ka jirtay magaalada. shacabka Wardheerna inay maruun arkaan gudoomiyaha  jabhada ayay rabeen. Maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 21kii  Febraayo 1994kii ayuu gudoonku kusoo beegmay magaalada, isaga oo soo maray dhamaan degmooyinkii iyo tuulooyinkii udhaxeeyay Wardheer iyo qabridahare.

Gudoomiyihii degmada wardheer Sheikh Ibrahim Sh Muuse iyo madaxdii kale ee magaalada oo ay weheliyaan shacabkii ayaa ka hortagay si ay gudoomiyaha jabhada usoo dhaweeyaan. Wakhtigu waa galab, waana bil Ramadaan, dadkuna way sooman yihiin. Shucuurta magaaladu  way kacsan tahay, ku yar iyo ku waynba sacabka iyo durbaankaa ayaa isqabtay. Farxad iyo hadallo rayn rayn ah ayay dadku isku salaamayeen.

Dhanka wayanaha, abaabul ciidan ayay wadeen, kantaroolkii magaalada way xidheen. Inkastoo ay baabuurta Sheekha soo dhawaynaysay magaalada u furnayd, hadana waxaa lafaray ciidankii Wayaanaha ahaa ee joogay kantaroolka magaalada, in ay eegaan baabuurka uu saaran yahay Gudoomiyaha JWXO, deedna ay usoo sheegaan ciidan ay wayaanuhu ku diyaariyeen  kantaroolka iyo magaalada dhexdooda si gacanta loogu dhigo Sheekh Ibrahim Abdalla. Baabuurka Sheekhu saarnaa waxaa lasocday ciidan ilaala ah oo aan badnayn, qoryo AK47 iyo PKM  ayay wateen. Ujeedadoodu waxay ahayd difaacida gudoomiyaha Jabhada ee mayna ahayn inay weeraraan cidkale. Baabuurtii soo dhawaynaysay gudoomiyaha oo soo kala horaysay, ayaa magaalada so gashay. Gaadhi uu saarnaa gudoomiyaha degmada Wardheer Sheekh Ibrahim Sheikh Muuse ayay waardiyihii kantaroolku u fahmeen inuu saran yahay gudoomiyaha JWXO. Waxayna warkii soo gaadhsiiyeen ciidankii magaalada diyaarka ugu ahaa. Gaadhigii uu saarnaa Sheekh Ibraahim Sheikh Muuse, waa gudoomiyhii degmada ee, ayay wayaahuhu si xoog ah iyo awood milatari ugu joojiyeen badhtanka magaalada. Markii ay arkeen inuu yahay gudoonkii Degmada, mayna iska dhaafine way kaxaysteen, waxayna la’aadeen dhanka xera ay ku lahaayeen magaalada dhexdeeda.

Gudoomiyaha degmadu wuxuu ahaa nin laangadhe ah oo lug ka dhutiya, marka ay marinayaan meel u dhaxaysa, xerada booliska iyo midii Wayaanuhu daganaayeen, ayuu arkay wiil boliska ka mid ahaa oo magaciisa la iigu sheegay Dhagawayne.

Naftiihure Dhagawayne ayaa la hadlay oo waydiiyay; “Adeer xagay kugu wadaan”. Wuxuuna ugu jawabay; “Garan maayo” . Dhagaweyne wuxuu lahadlay Tigreegii watay gudoomiyaha degmada oo uu ku yidhi; “Xageed kuwadaan”. Laakiin umayna jawaabin. Wuu ku celiyay oo wuxuu kuyidhi; “Maxaad kala doonaysaan xerada milatariga maad gaysaan midda booliska”? Dhagna jalaq umayana siinin.

Dhagawayne wuxuu watay qori, balse maxay kuugu taalaa waxaa ugu jiray 3 xabbo. Damiirkiisa ayaase siin waayay inuu dhowrto gudoomiyihii dhanna oo ay aayar wiilal shalay yimid iska kaxaysteen. Dhiiga ayaa dhaqaaqay oo wuxuu iswaydiiyay inay meeshu tahay Maqale iyo dhulkii Tigree iyo inay magaaladii Wardjheer ee ciida guduudnayd tahay. Dhegewayne ayaa qorigiisii intuu soo rogtay damcay inuu Wayaanaha wadnaha kala jarro, sadexdii xabbo ee ugu jirtayna halmar ayay iska raaceen. Qaarbuu laayay qaarna xeradii ayay orad ku galeen. Gudoomiyihiina wuu ka baxsaday oo wuxuu galay xeradii booliska. Dhegaweyne oo intuu xabadii riday qorigiisii fiirinaya inay wax ugu hadheen iyo inkale, ayaa waxaa gadaal kaga yimid mid Wayaane ah, halkaas ayaana lagu toogtay Dhagaweyne. (Haradigeed.blogspot.com)

Maalintii ku xigtay waxay ciidankii wayaanaha weerar ay soo qorsheeyeen ku soo qaadeen goobtuu Gudoomiye Jabhadda  ku sugnaa. Ciidankii yaraa ee xafiiska ilaalinayay ayaa dagaal gacmaha la’isula tagay ku difaacay gudoomiyaha, waxaana durbadiiba kusoo biiray oo taageeray cutubkii yaraa shacabkii reer wardheer oon u kala hadhin yar iyo weyn. Dagaalkaas waxaa ku naf waayey tiro ka badan 50 qof oo reer Wardheer ah, halka cadawga uu ku waayay ciidan ka badan boqol iyo dhaawac farabadan.

(Waxaa noosoo gudbiyay warqaddan taariikhi ah mudane M. Cali)

Dhacdooyinkaa iyo shirqooladii faraha badnaa ee Wayaanaha ay u maleegayeen shacabka iyo madaxda Ururka waxay si dhab ah u xaqiijayeen inuu yahay ku talagalka TPLF-tu inay laayaan liiska u qoran oo ay bartilmaansadeen. Ha ahaado qofkaasi Siyaasi ama Ciidan ama Oday-dhaqameed geesi ah. Markii arintaa si dhab ah loo ogaaday, waxaa la go’aansaday oo amar lagu bixiyay in dhamaan xafiisyadii ururka uga furnaa magaalooyinka lawada xidho, xubnahana ay ka baxaan magaalada. Waxaa loo aqoonsaday xubinkaan u hogaansamin amarkaa inuusan ka mid ahayn JWXO. Waxaa kaloo uu hoggaanka saree Jabhadda ku dhawaaqey inay halgan hubeysan ku raadinayaan xaqqa shacabkooda maadaama ay ka baxeen qawmiyadii xooga ku qasatay Itobiya balamihii la galey oy diideen in caddaalad, dimoqraadiyad iyo nabad ay ku wada noolaadaan shucuubta.

Marxaladii 1aad oo Laba heer ahayd (mid ay ku diiwaan galinayeen xubnaha ay dili doonaan iyo Heerkii 2aadee ay ku laayeen xubna badan iyo odayaal), waxay dhamaatay markay JWXO ku dhawaaqday inay ka baxeen magaalooyinka oo halagn hubaysan ay qaadayaan. Waxaa halkaa ka bilowday;

Marxaladda 2aad oo ahaa midkay ugu talagaleen inay kusoo laayaan ama kusoo qab-qabtaan xubnihii ururka ee ka baxay magaalooyinka.

La soco Qaybaha Dambe.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay