Wararkii ugu dambeeyay een ka helnay xarunta Dhexe ee JWXO waxay ka xog-warameen dagaallo dhowr ah oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray meela kala duwan oo dalka ka mid ah. Warbixinta dagaalada aan helnay oo dhacay intii u dhexeysay 24kii Bisjii October ilaa 1dii Bishan Nov. oo CWXO ay ku weerareen xeryaha ay dagan yihiin ciidamada gumaysiga iyo wadooyinka ay maraan ayaa cadawga lagaga dilay dhowr iyo labaatan askari iyadoo lagaga gubay laba gaadhi oo ciidankii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawac halis lagu qaaday. Dagaaladaa ayaa u dhacay sidan;

24/10/14 Xaaxi oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 7 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/10/14 Karincagaag oo Garbo katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo kuwa ciidanka cadawgu adeegsadaan ah waxaana ku halaagsamay tiro ciidan ah oo saaraa.

28/10/14 Goldhabilay oo dagmada Garbo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

31/10/14 Jeerinka oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan weerar ay CWXO ku qaadeen ciidanka gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxay qudha kaga jareen inta lahubsaday 7 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/11/14 Qodaxgalaalshe oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/11/14 Duleedka dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay kamiin ay cwxo ka xidheen waxay ku holciyeen 1 baabuur oo uuraal ah waxaana ku basbeelay dhamaan wixii saaraa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay