Johannesburge – Wariye u dhashay dalka Angola oo Xuquuqda Aadanaha u ololeeya ayaa yidhi uma qalanto Adis Ababa inay noqoto Xarunta Midowga Afrika waana in laga soo raraa halkaa. Sababtoo ah ma’aha meel ay ka jirto xoriyad, waana meel saxafiyiinta lagu bahdalo.

Wariyahan oo lagu magacaabo Rafael Marques de Morais ayaa habeenkii Talaadada ka sheegay magaalada Johannesburg in Midowga Afrika oo matalaysa 53 dal oo Afrikaan ah ay tahay munaafiqnimo inay xarun ka dhigtaan Adis Ababa magaala madaxda Itobiya. Wuxuu yidhi Rafael Marques; “Intii ugu dambaysay saxafiyiinta xorta ah waa lawada qabtay, waxaana loo maleegay dambiyo lagu maxkamadeeyo.”

Wuxuu tusaale usoo qaatay maxkamadda ku socota hadda saxafi wax ku qora shabakadaha oo kasoo jeeda Kililka 9aad oo lagu soo oogay dambi lala xidhiidhinayo argagixiska.

Waxaa wax lala yaaba ah buu yidhi saxafigan in shabakadda afka Midowga Afrika ku hadasha lagu qoro in Midowga Afrika u taagan tahay ilaalinta Qaanuunka iyo Xuquuqda Aadanaha.

ONA.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay