Waxaan kusoo marnay Q5aad ee taxanahan inuu ahaa hadafka 1aad ee TPLF markay dalka soo galeenba inay laayaan shaqsi kasta oo bulshada Ogadenya ka dhex muuqda oo madax-baaninada Ogadenya u dooda. Waxay diiwaan galiyeen mudadii ay dadka u sheegeen inay is-maamulaan oo aanay arimahooda siyaasiga ah faraha lasoo galaynin xubnihii bulshada ka dhaq-dhaqaaqayay. Waxaan kusoo sheegnay qaybtaa in markii shirqooladii TPLF si dhab ah loo ogaaday, la go’aansaday oo amar lagu bixiyay in dhamaan xafiisyadii ururka uga furnaa magaalooyinka lawada xidho, xubnahana ay ka baxaan magaalada. Sidaa ayayna u dhacday oo dhamaadkii sanadkii 1994, dhamaan xubnihii ONLF waxay faaruqiyeen xafiisyadii ay ku lahaayeen magaalooyinka waxayna isugu tageen bar-kulano miyiga ah.

Arintaa markay dhacday oo TPLF ay arkeen in ONLF ay fahamtay ciyaarta siday u dhegeen iyo shirqoolka ay maleegeen, waxay dajiyeen istraatiijiya cusub oo ku dhisan inay xubnaha magaalooyinka ka baxay lasoo qab-qabto ama lasoo laayo inta aanay bulshada ku dhex milmin oo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba u xoogaysanin. Waxaa waliba arintaa kusii dhiirigaliyay taariikhdii halganka qawmiyadda Tigree iyo ururka TPLF siduu ku bilowday oy dhahaan waxay ahaayeen 7ba wiil oo ka baxay magaalada iyagoo wata hal qori ama bustuulad. Qorshaha ay dajiyeena wuxuu ahaa in shacabka digniin la siiyo in aanay qaadanin fikirka ONLF, isla markaana loo tuso shacabka inay qaldameen xubnaha ONLF ee xafiisyadoodii xidhay ee go’aansaday halgan hubaysan waqti ay Somali burburtay, shacabkana uu marayo marxaladii ugu xumayd. Fulinta qorshahaa waxaa si toos ah ula wareegay Madaxii ugu sareeyay ururkooda iyo dawladaba oo shirar u qabtay odyaashii iyo indheer-garadkii bulshada. Saday wax u dheceen.

Shirkii 1aad waxaa lagu qabtay magaalada Herar 30-1-1994, waxaana loogu yeedhay inay kasoo qayb galaan ugu yaraan 500 oo ergo oo isugu jiray ugaasyadii, culimadii iyo wax garadkii Soomaalida Ogaadeenya oo ka kala yimid sagaalka gobol ee Ogadenia. Shirka markuu furmay KT. Meles ayay ergadii Somalida waxay iska dhex qabteen labadii nin ee ugu da’da waynayd looguna ixtiraamka badnaa oo kala ahaa Garaad Makhtal Daahir iyo Ugaas Xassan Xirsi (ugaaskii beesha Ciise) si ay afka ergada ugu hadlaan. Meles wuxuu u soo bandhigay ergada barnaaamijkuu ugu yeedhay. Ka dib waxaa hadalay Garaad Makhtal AUN oo yidhi hadal uu kusoo gunaanaday; “Shacabka Soomaalida Ogaadeenya wuxuu soo maray halgan dheer suu uga madax banaanaado Itobiya, hadana wuxuu ka doonayaa xukuumada Itobiya inay u ogolaato afti in afti xor ah oo xalaal ah laga qaado.” Ugaas Xassan Xirsi AUN ayaa isna kusoo gaba-gabeeyay hadal qiimi badan oo yidhi; “Waxaanu doonaynaa in naloo ogolaado aayo ka-tashiganaga.

Labadii hogaamiye markay hadalkoodii intaas kusoo koobeen ayay ergadii madasha fadhiday waxay bilaabeen sacab aan kala go’lahayn iyo inay qaadeen heeso wadani ah oo ay ku muujinayeen dareenkooda iyo sida dhamaantood ay u taageersan yihiin hadalka labada hogaamiye.

Muddo ka dib ayuu hadana shirkii 2aad isugu yeedhay odayaashii jaasoo ka dhacay Godey 16-4-1994. shirkan intuusan dhicin ayuu baarlamaankii gobolka u codeeyay in shacabka S.Ogadenya afti laga qaado sida ku qornayd cahdigii lagu heshiiyay. Codayntii baarlamaanka ka dib wuxuu gumaysigu xabsiga u taxaabay Madaxweynihii mudane Xassan Jire Qalinle (AUN) iyo ku- xigeenkiisii Axmed Cali Daahir, xubno kamida baarlamaanka iyo wax garad kale oo badan, waxayna kala dirtay xukuumadii gobolka ee lasoo doortay. Waxaa xusuus mudan in loo aqoonsaday maalintaa uu dhacay go’aanka baarlamaanku “Maalinta Aayo Katashiga Ogadenya”.

Talaabadaa markuu qaaday ka dib ayuu gumaysiga wuxuu gobolada kasoo uruuriyay mar labaad odayaashii dhaqanka si war ma-qabto ah oo aan odayaasha loo sii sheegin waxa loogu yeedhayo, waxaana la isugu keenay magaalada Godey. Markii odayaasha lakeenay magaalada ayuu si kadis ah oo aanay filaynin ugu yimid Meles Zenawi. Wuxuu usoo bandhigay markiiba sababta uu ugu yeedhay oo ahaa inay soo saaraan baaq ah inay ka soo horjeedaan talaabada baarlamaanka oy ka tanaasuleen aayo katashiga iyo madax banaanida ay raadinayaan oo ay Itoobiya ka mid noqdeen. Iyo in ciidamada Itoobiya ee Ogadenia joogana ay garbsiinayaan si ay dagaal ugu qaadaan xarumaha ONLF ay ciidamada ku tababarto. Odayasahii madasha fadhiyay waxay iska dhex qabteen sidii shirkii Herar rag u hadla oo kala ahaa; Ugaas Aaden Xadiis, Suldaan Axmed Faatule, Cumar Madoobe,  iyo Axmed Muuse Jiciir. Dhamaantood odayaashii hadlay waxay way is waafaqeen waxayna yidhaahdeen; Waxaanu ka doonaynaa xukuumada Itobiya inay u ogolaato shacabkanaga Aayo ka-Tashigiisa iyo waliba in ciidamada Itobiya ee ku sugan dalka Ogadenia ay iskaga baxaan. Odayaashii kalee mdasha fadhiyayna waxay kusoo dhaweeyeen arintaa sacab iyo xamaasad.

Meles iyo ururkiisii EPRDF/TPLF waxaa u cadaatay in shacabka Somalida Ogadenya aanay rabin Itobiya inay la noolaadaan oy kamid ahaadaan, sidaa daraadeed waxaa inahortaala ayuu ku yidhi xisbigiisii laba aarimood inaan kala doorano. Inaan iska fasaxno qowmiyada Somaalida oo aan siino madax banaani iyo inaan baabi’ino cid kasta oo xukunka Itobiya ka hortimaada. Go’aankan dambe ayay qaateen, waxaana amar lagu siiyay maleesiyadii Wayaanaha ee joogtay Ogadenia oo laga dhigay militariga Itobiya inay weerar ku qaadaan xarumaha ONLF ciidamada ku tababarto cid kasta oo shacabka Ogadenya ka mid ah oo diida amarka TPLF-na la toogto.

Gudoomiye-ku/xigeenkii JWXO waqtigaa isaga ah mudane Diirane oon wax ka weydiiyay ayaa hordhac ahaan iigu sheegay; “inta aanan soo saarin wareegtada lagu xidhayo xafiisyada, waxaan soo saarnay wareegto ka hadlaysa in laga soo qayb galo shirka ururka si looga arinsado arimaha soo kordhay.” Sababta aan midan u hormarinay waxay ahayd buu yidhi, waxaan dareensanayn hadaan dhahno soo xera xafiisyada, xubnaha oon kasoo wada bixin magaalooyinka inay wada qabanayaan. Hadaba, intii badnayd xubnahii ururka ee ku sugnaa xafiisyada way fuliyeen amarkii la siiyay, inkastoo ay jireen buu yidhi qaar aan u hogaansamin oo ka cabsaday dhibka halganka gaar ahaan marxaladii la marayay. Waxaa kaloo jiray qaar sheegtay cudrdaar oo dib isu dhigay. Wuxuu ku daray, markay ogaadeen Wayaanaha in xubnihii JWXO ay ka baxayaan magaalada oo xafiisyada ay xidhayaan, aad ayay arintaa uga naxeen, sababtoo ah qorshahoodii ahaa inay gaadmo ku dilaan dhamaan masuuliinta xafiisyada ayay arkeen in la fashiliyay. Ka dibna waxay bilaabeen inay dagaal dag dag ah ku qaadaan fadhiisamadii ururka iyo xubnaha ka sii baxaya magaalada inta aanay gaadhin goobihii loo astaameeyay.

Waxaa ka mid ahaa dhacdooyinka xusuus reebka leh, inuu nin naftiihure ah oo la odhan jiray Maxamad Caafi Geedi AUN sigaar usoo doontay reer meel daganaa. Intii loogu maqnaa ayuu arkay ciidan Wayaana ah oo kusoo socda reerka. Isagoon shidanin sigaarkii ayuu ku yidhi dhalinyaradii u keentay dabka nimankaa soo socda waan la dagaalamayaa ee iskaga taga meesha. Geed intuu isku lamaaniyay ayuu kooxdii wayaanaha ahayd oo isaga dhankiisa soo aadey markay ku soo dhawaadeen baas ku furay, markuu halkii dhigay 6ex iyo dhaawac badan ayay dib uga carareen. Qolya kale oo ka mid ahaa dhalinyaradeena ayaa dhexda ku helay oo 4ar kale kasii dilay. N/hure Maxamad Caafi AUN wuxuu ka mid ahaan jiray jabhadii 1977dii, wuxuuna galay ilaa 65an dagaal. Isku dhacyo badan oo si aanay ku talagalin loogu laayay markay dheceen ayay TPLF-tii warqad noo soo qoreen buu yidhi mudane Diirane iyagoo leh khalad ayaa dhacay ee soo noqda oo xafiisyadiinii dib u furta.

Arimaha markay dhaceen, go’aankii ururka iyo midkii odayaashaba wuxuu noqdey in halgan hubaysan la galo, maadaama TPLF ay jabiyeen cahdigii oy go’aansadeen inay laayaan qofkasta oo diida gumaysigooda, iyadoo xaalada lagu sugnaa ay tahay mid aad u adag oo la odhan karo waa sababta ku dhiirigalisay TPLF-ta inay dagaalka kadis ah ku soo qaadaan ONLF.

Waxaan ka milicsan karnaa xaalada siday ahayd warbixintii uu hadda kahor nala wadaagay mudane Cabdi Kaafi oo ka mid ahaa saraakiisha CWXO. Wuxuu yidhi;

“Waxaa soo baxay ciidankii ONLF ee ku sugnaa meelahaa, waxaana loosameeyay dibu habahayn iyo qaabdhismeed ciidan, sidaas ayaana lagu hawlgalay iyadoo ciidaknka, hubka, iyo rasaastuba ay aad u yaraayeen. Waxay ahayd xili adag oo nolol adag lagalay. Dadka ama ciidanka duurka u baxay waxay u badnaayeen dad aan horey nolol miyi usoo marin. Waxaa adkaatay sidii loo fulin lahaa go’aankii jabhada ee ahaa ISKUTASHIGA oo micneedu yahay inay ONLF ku tashato kuna dagaalanto hantida shacabka Ogaadenya haysto, Allana aan talo saarano. Waxaa adkaatay sidii shacabkeena looga dhaadhicin lahaa ciidankani isagoon haysan wax lacag ah, dawlad caawinaysaana jirin inuu dagaalami karo. Marxaladaas bilowga ahayd waxaa wada socday oo hawsha ciidanka kamid ahayd la qabsashada nolosha duurka, abaabulka shacabka, iyo in lawada gaadhsiiyo ciidanka gobalada iyo inla furo dugsiyo tababar oo ciidanka loo furo, in koorsooyin gaara loo furo madaxda ciidanka. Waxaa barbar socday cadawga oo juhdi badan galinayay in uu ka hortago koboca ciidanka ONLF, arintaasoo uu cadawga ku guul-daraystay. Dhawr sano kadib shacabkeena waxaa gashay rajo, cadawgiina waxaa ku kordhay culays ah inaan ciidanka ONLF si fudud looga  guulaysan karayn, wuxuuna cadawgu soo qaaday weeraro isagoon waxba lakala hadhin awoodiisii ciidan, hasa ahaatee wax natiijo ah cadawgu kama gaadhin weeraradaas, waxaana marwalba kor u sii kacayay korodhka ciidanka tiro iyo taya ahaanba iyo mooraalka shacabka Ogadenya oo mar walba isagu latalaabsada guulaha uu CWXO gaadho.”

Sawirkaa guud wuxuu inagaga filan yahay inaan tafaasiil dheeraad ah ka bixino xaaladda siday ahayd iyo dagaaladii dhacay, intii u dhexeysay 1994-1998, oo ahayd 4ta sano ee ugu dhibka badanayd CWXO.

Mudane Diirane oo balan qaaday inuu barnaamjikii Aragtida Halgamaaga kaga faaloodu taariikhdaa iyo qorshahii TPLF ay kusoo talagaleen iyo siyaabihii ay ONLF uga dabaalatay iyo dagaaladii dhacay ayaan u daynaynaa dhamaystirka qaybtan.

Waxaan intaa kaga gudbaynaa isku daygii kooxda TPLF ee ku dhisnaa kibirka iyo isla weynida ee u gaysay inay ku dhex jabhadeeyaan Ogadenya say u hakiyaan halganka Shacabka S.Ogadenya oy usoo laayaan ama uga saaraan dalkooda xubnaha iyo N/hurayaasha ONLF. Waxayna filayeen sidii ciidamadii Itixaadka ama OLF inay kala carari doonaan N/hurayaasha CWXO. Waa taariikh ku qoran baalal dahab ah oo waqtigeeda si mugleh looga hadli doono loona qori doono.

Waxaan kaga hadli qaybaha hadhay ee qormadan Dagaalkii ay ku qaadeen Shacabka iyo Gacmaha ay ku fulieen.

La socda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay