Dagaaladii ugu dambeeyay een ka helnay warbixintooda Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa cadawga lagaga dilay ciidan gaadhaya 58 askari oo daroojin kala duwan lahaa. Dagaaladan oo dhacay intii dhexeysay 1-9kii Bishan ayaa cadawga si aad loogu naafeeyay. Waxay warbixinta intaa ku daray inay jiraan dagaalo dhacay oo weli aan lasoo gudbinin faahfaahinta khasaaraha cadawga. Sidoo kale inay CWXO ay qorshaynayaan dagaalo ka duwan kuwii hore oo fadhiisimada cadawga lagu weerari doono. Dagaalada laga soo warbixiyay ayaa u dhacay sidan;

1/11/14 Kabog oo Dagmada Gunagado ee gobolka Jarar katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/11/14 Dayr oo Awaare katirsan dagaal cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhaxmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

2/11/14 Dayr oo awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

4/11/14 Xamaro oo Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka saamalaluudka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/11/14 Dagmada Xamaro ee Gobolka Nogob dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/11/14 Dayr oo Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/11/14 Goldheerti oo dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/11/14 Wabiyar oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta lahubsaday 6 askari tiro aan laxaqiijinina waa lagaga dhaawacay.

6/11/14 Faarso oo dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal culus oo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 8 askari 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/11/14 Shabeelay oo Dhagaxmadow katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxayna qudha kaga jareen 11 askari 17 kalana way kaga dhaawaceen. Sidoo kale waxaa laga furtay hub iyo saanad kale oo badan.

9/11/14 Wabiyar oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/11/14 Gollibaax oo Gobolka Faafan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

9/11/14 Gunagado weerar mir ah oo ay CWXO kuqaadeen ciidamada gumaysiga ee halkaas kusugan waxay kugaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay