Waxaa meela kala duwan oo dalka ka mid ah ka socda weeraro ay CWXO si is-dabajooga ah ugu fulinayaan dalka, gaar ahaan Bishii October iyo Bishan November. Warbixinada Xarunta Dhexe oo soo ururiya faahfaahinta khasaaraha la hubsaday ee cadawga soo gaadhay dhimasho iyo dhaawac, ayaa bishan socota ee November waxaa cadawga lagaga dilay weeraradaa ciidan gaadhaya 95 askari oo darajooyin kala duwan lahaa, meesha uu dhaawaca intaa ka badan yahay. Sidoo kale waxaa jiray gawaadhi kuwa ciidanka xambaara ah oo lala holciyay wixii saarnaa ee dad iyo duunyo ahaa. Warbixinta aan hadda helnaya ayaa u qornayd sidan;

28/10/14 Barkinlaysyada oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta lahubo 4 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/10/14 Barkinlaysyada oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/11/14 Daawadiid oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada Wayaanaha ee doolka kujooga ciida Ogadenia lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/11/14 Ceel-caliwanaag weerar ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia ku qaadeen ciidamada gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxay qudha kaga jareen 5 askari 4 kalana way kudhaawaceen.

8/11/14 Garbo-midgaan oo Dagmada Dhuxun katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhaxmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 17 askari 25 kalana waa lagaga dhaawacay.

11/11/14 Dayr oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

11/11/14 Jajaba oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay