Marka hore ASC.WR.WB ayaan leeyahay dhamaan umada Soomaaliyeed kadib waxaan dareenka xasuusta ee raadka xanuunka badan nagu reebay la wadaagayaa shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo aysan maskaxdooda ka baxaynin maalmo badan oo ay murugo ku xadhantahay,  maalmahaas waxaa ka mid ah 15/11/2005 waa maalinkii quluubta wadaniga gaaska iyo qarafku ku kulmeen,waa maalintii si kibir iyo gardaro ah dhalinyaro lagu soo tabcay ay askar dhulka Ogadenya doolaalo ku timid dhiigooda ku daadiyay ciiddoodii hooyo.

Falkii maalinkaas iyo maalmo badan oo lamid ah dhacay waxay askarta dugaaga ah ee Tiraygu ugu talo galeen in ay ku madax jabiyaan qabka iyo isla weynida shacabka Ogadenya ee uu Allaah ku manaystay geesinimada, adkaysiga badan iyo dunta assliga ah lihiintana lehna gaarka u leh waxaase xaqiiqo ah in malinkaas oo kale ay cadho hor leh nagu abuuranto ayna  bulshada ka soo baxaan geesiyaal lagu dhaato sida Cabdi Maxamed Maxamuud (Giirre).

N/hure Giirre waa halyeey geesi ah oonnu ku faanno wuxuuna noogu xadhanyahay baal dahabi ah oo uusan waligii ka bixi doonin nolashiisa iyo geeridiisa kadiba, inta uu shacabka Ogaadeenya shaqsi dunida ka joogo waxaanu xusuusnaan doona maalmaha ay 15 November ka mid tahay waxaana ka dhex muuqan doona N/hure Giirre iyo geesiyaal kale oo la mid ah oo magacayadooda uu jiilba jiil uga tagi doona sida halganka gobanimo doonka ah ee Ogaadeenya ka socda uu qori isu dhiib u yahay si la mid ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Hali maalinbay ceel joogtaa iyadoo looga jeedo geela oo kamid ah noolaha biyaha mudo dheer ka qatanaan kara lagana yaabo inuu bil ama ka badan oomanaado, hadaba fursad ay Hashu maalinkay ceelka timaado hesho waxay ku haboontahay in ay si mug leh biyaha uga ladaabato ugana calaf qaado sidoo kale ruux kasta oo dunida guudkeeda magac iyo meeqaan ku yeesha maalin uu badheedahy go’aan adagna uu qaatay ayuu magaciisa wanaagsani raacaa.

Sidaas awgeed Naftii hure Giirre wuxuu xusuusta shacabka Ogaadeenya ku talaalmay maalin aan la ilaawi karin oo uu kaligii qaatay go’aan geesinimo leh damiirka iyo dareenka wadagina wuxuu ka dhayayaa nabaradii ay dhacdadii Xasuuqa Maxaabiistii Qabridahare ku reebtay.

Anigoo shacabka Ogaadeenya lawadaagaya xanuunka xusuusta murugada leh xambaarsan ee maanka dib ugu celinaysa dhacdooyin uu ka mid yahay xasuuqii maxaabiistii Qabridahare, dhanka kale waxaan shacabka bir-labka ah ee Ogaadeenay xusuusinayaa in lagu talo galo maalmo badan oo khadhaadh aadna u xanuun badan inta uu gumaysiga hororka ahi ku suganyahay ciida Ogadenya.

Waxaa kale oon shacabkayga ku boorinayaa si uu inooga soo urursamo wakhtiga xanuunka badan iyo xad gudubyada gumaysiga macangaga ah isla markaasna loo gaadho guulsha xoriyada waa in aynu si dhab ah oo kamadambays ah u garab istaagno halganka hubaysan ee ay ONLF gadh wadeenka u tahay waana in aynu guushaas beegsigeeda u hurnno wax kasta oo qaali inugu ah.

Ugu dambayntii waxaan salaam iyo bogaadin aan la soo koobi karin u gudbinayaa walalkay N/Hure Cabdi Maxamed Maxamuud (Giirre) waxaanan Allaah uga baryayaa in uu siiyo cimri dheer oo cibaado suuban leh iyo caafimaad wanaagsan waxaa kale oon leeyahay xoriyada Ogadenya Ilaah ha kugu simo,  dhamaan dadkii ay ciidamada gumaysigu siyaalaha kala duwan u gumaadeen waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u wada naxariisto eheladoodii iyo guud ahaan umada Ogaadeenyana uu sabbrkooda ajir iyo xasanaad ugu badalo inta wali jeelasha lagu bahdilayana ilahay waxaan uga baryayaa in uu cidhiidhiga iyo ciqaabta ka saaro aamiin yaa rabbi.

Rooda Ibrahim C.gurey (Afjano)

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay