Ururka OYSU Seattle ayaa shalay isugu yimid shirkoodii billaha ahaa, iyada oo lagu marti-qaaday qaar kamid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida Ogadenia. Shirkan ayaa ururku qabtaa bil walba si loogu qiimeeyo waxqabadka iyo hawlaha ururka. Waxaa kale oo goobta lagu soo bandhigaa abaalmarin loogu magac daray Xubinka Bisha ama -Member of the Month-.

Hadaba bishan ayaa waxaa abaalmarintaasi ku guuleystay Maxamed Xassan Shidane, oo runtii noqday xubinka ugu shaqada badnaa bishan. Mudane Shidane ayaa waxaa shahaada sharaf iyo hadiyado kale gudoonsiisey Hinda sheikh Maxamud oo ah madaxa ururka OYSU Seattle.

Waxaa xusid mudan inuu mudane Shidane yahay Abwaanka kooxda Hiigsi-qaran ee OYSU Seattle. Isaga oo mar walba soo bandhiga heeso iyo suugaan halgameed. Waxa uu intaa ku darsaday shaqo wanaag iyo akhlaaq runtii ku dayasho mudan.

Waxaan rajeyneynaa in xubnaha kale ku deydaan mudane Shidane, si ay iyaguna umuteystaan abaalmarinta Xubinka Bisha.

Haddaan nahay bahda saxaafada waxaan u hambalyeyneynaa ururka OYSU Seattle iyo talaabadan ay qaadeen, runtii waa tusaale ay ku dayan karaan faracyada kale ee OYSU.

Abdirahman Hollywood

Seattle,WA.

Xubnaha iyo hawl-wadeenka Hogaanka Warfaafinta ee JWXO waxay ugu hambalyaynayaan halgame Shidane aqoonsiga (Xubinka Bisha) ee la gudoonsiiyay, sidoo kale talaabada ku dayashada mudan ee OYSU Faraca Seattle uu horseeday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay