Erey bixin fiican ma’aha oo afka lasoo marin karo, hasa ahaatee waa erey uu adeegsaday nin taariikhda Itobiya wax laga weydiiyay. Wuxuu yidhi Itobiya siyaasadeeda waxay ku dhisan tahay –Dhilaysi– gaar ahaan intii ka dambaysay markay maqleen boqortooyadii Abyssinia ee buuraha lagu horjoogay inay jiraan dawlado awood leh oo looltan iyo dagaal kula jira Suldankii Turkiga ee caalamka Islaamka madaxda u ahaa ee awood badnaa. Wuxuu yidhi ninkan; La-taliyayaasha Siyaasiyiinta Itobiya iyo ergooyinka dibadda u jooga waxay aad ugu mashquulaan inay la socdaan kolba awood dhaqaale iyo ciidan ee caalamka meeshuu usii jan-jeedhsanayo say ugu bilaabaan shukaansi iyo inay istusaan waxay u qaban karaan haddii .. sida gabadha jidhkeeda ku shaqaysata ay isaga gado kolba ninkay u malayso inuu xoola badan siin doono.

Itobiya waxay caan ku tahay Somalina ay kaga adkaatay, xataa waagii uu jabiyay halyey Axmad Gurey, waa siyaasadaa ku dhisan is-iibinta oy adeegsato markasta oy Somalida dagaal kaga adkaadaan iyo markasta oo awoodii caalamka ay dhan u jan-jeedhsato. Taariikhda inta laga xasuusto, Somalida laba jeer ayay Itobiya dagaal ku jabiyeen oo jiritaankeeda dawlad ahaan ay khatar gashay. Labadii jeerbana waxaa usoo hiiliyay quwada shisheeye oo awood ciidan ugu garbeeyay.

Dagaalkii 1aad ee Itobiya (boqortooyadiiAbyssinia) lagu burburiyay waxaa qaaday Imaam axmad Gurey, wuxuuna qabsaday gobolka Amaxaarada 1533, Gobolka Tigreegana 1535. Boqorkii markaa xukumay oo la odhan jiray Lebna Dengel dagaaladii ayuu ku dhintay, ka dib wiilkiisii Claudius oo xukunka qabsaday ayaa ka codsaday dawladii Bortuqiiska oo waqtigaa ugu xooga badnayd Yurub inay ciidan usoo diraan isagoo leh waxaan nahay boqortooyo masiixi ah oo badweyn muslim ah ku dhex jirat. Bortuqiiska oo doonayay inay ku faafiyaan diinta Catholic (Katoolig) ayaa ciidan iyo saanadba usoo diray. Sidaa ayayna waagaa ku badbaaday boqortooyadiiAbyssinia.

Dagaalkii 2aad ee Itobiya ay ku burburi lahayd waxaa ku qaaday 1977kii M/weynihii Somaliya Maxamad Siyaad Barre AUN. Bishii Nov. 1977 ayay jabhadii WSLF iyo ciidankii Somaliya oo wada socda qabsadeen Jigjiga, waxayna uga sii gudbeen inay weeraraan Harar iyo Dirdhaba. Ciidankii Itobiya oo kala yaacay isla markaana ay qarka u saarantahay qaranimidii Itobiya inay burburto, ayaa waxaa si toos ah usoo galay dawladihii hantiwadaaga oo Ruushka uu hogaaminayo. Sababtuna waxay ahayd Itobiya oo ku xod-dodatay Dawladihii Hantiwadaaga ahaa inay qaadanayso mabda’a Hantiwadaaga. Dawladaha is-bahasiga hantiwadaaga caalamiga ee waagaa la’isku odhan jiray (comintern countries), waxaa u muuqatay inay Itobiya oy gacanta ku dhigaan ay uga nacfi badan tahay Somaliya inkastoo ay uga horeysay qaadashada Hantiwadaaga iyo saaxiibtinimadooda. Itobiya dagaalkan labaad waxay isku badbaadisay inay noqotay dawlad bilaa diin ah oo la dagaalamaysa diimaha oo shuuci ah.

Kooxda hadda xukunka qabsaday, waxay indhaha ku kala qaadeen caalamka oo noqday hal quwad oo dawladihii Shuuciga ay baaba’een. Nidaamkii Dhaqan/Dhaqaale ee Hantigoosadka ayaa ka guulaystay nidaamkii halka xisbi iyo shuuciyadda. Kooxdii TPLF/EPRDF inkastoo ay ahaayeen urur hantiwadaag xag-jireen ah, hadana waxay isla markiiba isu qaawiyeen dawladihii reer galbeedka, waxayna isu tuseen inay yihiin dhalinyaro aaminsan in Dimqoraad la’sku xukumo oo ah Horusocod (Liberal/Mutaxarir). Taariikhdii horey u dhacday ee ahayd inay Itobiya tahay jasiirad masiixi ah oo badweyn muslimiin ah ku dhex jirta iyadana dib ayay boodhka uga jafeen. Taasoo u sahashay inay horboodo ololaha caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada islaamiga ah.

Itobiya oo sidaan soo sheegnay aad ula socota isbadalada quwadaha caalamka, waxaa hadda u muuqda awooda soo koreysa ee Shiinaha, waxayna bilowday Itobiya inay si gooni ah u shukaansato Shiinaha, waxaana diyaar u ah markay u baahdaan inay lasoo baxaan kaadhka ay qarsanayaan ee ah inay ahaayeen shuuciyeen oo kooxda xukunka hadda haysatana ay ka mid yihiin xisbiga u qarsoon ee la yidhaahdo Marxist-Leninist League of Tigray.

Halkaa waxaa nooga muuqata inay Itobiya kolba dawladii xoog badan la seexato, oo aanay lahayn mabda’a iyo akhlaaq siyaasadeed oo kala sooca saaxiibkeeda iyo cadawgeeda.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay