Dadka qaarbaa aaminsan in Jabhadda TPLF tahay Jabhadd Xoriyadd , Cadaalad, horumar, dimuqraadiyad, u horseeday dhulka eega loo yaqaano Itoobiya iyaga oo ku rayn lahaa in la-waayo Urur gobonimo u dirir ah oo Soomaaliyeed isla-markaana bulshada Soomaaliyeed u horseeda Xoriyadd Iyo sharaf lagu naaloodo, dadkaas waxaan ku tilmaami karaa uun inay yihiin dad dhagaystay Cashirada Macaahida TPLF lagu bixiyo !

Macaahida Ururka TPLF waxaa lagu dhigaa Cashiro la soo qurxiyay, Taarikh been abuura, horumar aan jirin waligiina la gaadhi doonin, dimuqnaadiyad, daganaansho  nabadgaliyo, Iyo in xataa dhulka Soomaaliyeed (Soomaaliweyn) leedahay Itoobiya oo ay Soomaalidu tahay dad Itoobiyaan ah balse Ingiriisku magaca Soomaali u bixiyay  marsii  horeeysay. Waxaa lagu dhigaa xarumaha waxbasho ee Itoobiya in TPLF tahay Ururka cadaalada Horumarka Iyo Xoriyadda Geeska  Africa isla markaana  yahay Ururka dib u Xoreeynta dhulka Soomaaliyeed waxaa Ardayda lagu qiiro galiyaa in Jabhadda TPLF Jiritaanka Itoobiya Iyo Soomaaliya dhiig u soo dur-durisay oo ay ka Xoreeysay Xukunkii Kaligii-taliye Mingisto Heilemariam ee Dargidii !

Qormadan waxaan ku eegi doonaa Jabhad TPLF musuq-maasuqa xisbiga EPRDF Iyo Saameeynta Soomaalida  maanta (da’yarta Soomaaliyeed)

 Waa  maxay TPLF maxaase loo Sameeyay ?

TPLF  waa Urur u taagan qoomiyada Tigree hadafkeedu waa in la-hello deegaanka beesha Tigree oo ka madax-banaan Itoobiyada. Waxaa kaloo ka mid ah hadafka loo sameeyay in qoomiyada Tigree hesho Xuquuq kaga maqnayd Xukunkii Dargida ee uu hor kacayay Kaligii taliye Mingisto Heilemariam

Sideebay TPLF xukunka ugu wareegtay ?

Jabhadda TPLF waxay xukunka ku qabsatay musuq-maasuq Iyo jahawareerin bulsho iyada oo taageero Siyaasadeed ka heshay Dawlado reer-galbeed ka dib markay afgambi ku qabatay Madax-tooyadii Dawladii Dargida. Jabhaddii Eritreaee ay iska barbar dagaalamayeen  Eritrean People’s Liberation Front (EPLF) ayaa dagaalada ugu badan la gashay Dawladii Dargida. TPLF ma ahayn quwad u xoog-sheegatay dawladii Dargida ee waxaa wadanka u qabtay Jabhadii Eritea Iyo Siyaasada reer galbeed oo tashuush ku furay Madaxtooyadii xukuumada, kadibna Ciidankii Dargida markii Madax –tooyadii  lagala wareegay way is dhiibeen !

TPLF ma ahayn Jabhad samir Iyo Dulqaad lahayd waxay duur gal ahayd shan sano oo kaliya dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in haday Shan Sano oo kale  ku siii Jirto  duurka ay soo xaroon lahayd ama isu dhiibi lahayd Xukunkii dagaalku ka dhexeeyay ee Dargida maxaa yeelay dhulka Tigree waa caydh ay adagtahay in lagu Jabhadeeyo !

Nidaamka EPRDF Iyo Jabhadaha Kasoo Horjeeda:

EPRDF ( Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) waa Xisbiga ka arimiya waxa loogu yeedho Itoobiya waxaana ku midoobay Afar qoomiyado waa Tigree, Amxaaro, Oromo Iyo Shucuubta Koonfur. Waxaa meesha ka maqan Shan qoomiyadood oo kale oo Xaq u leh inay Xubno ku yeeshaan EPRDF si talada dalka wax ugu yeeshaan. Waxay xukunka ku dhagan tahay kooxdan tan Iyo Sanadkii 1991 ilaa eega mana jirro Xisbi kale oo uu ogol yahay inuu  kula tartamo Siyaasada wadanka. Kolka loo baahdo in Xubin ama Shakhsi lakeeno golaha baarlamaanka Itoobiya waxaa soo sharaxa ama soo magacaaba oo Liiska Xildhibaanada  ku soo darra Xisbiga EPRDF. Ma jirro muwaadin isagu rabitaankiisa uga mid noqon kara golayaasha Dawlada isla-markaana ka dhex muuqan kara Siyaasada wadanka !

Qoomiyadaha Eega loogu yeedho Itoobiya way badan yihiin, waxaana tirada guud ee dadka lagu qiyaasa 80 malyan wadankuna waa Sagaal (9) Dawlad goboleedyo Iyo Laba(2) magaalo oo iyagu iskood isu maamula waa Addis Ababa Iyo Diridhaba. Waxay dadku aamin san yihiin inuu dalku yahay Fadaraal isla markaana loo qaybsado hab wanaagsan oo Cadaalad ah iyo in hal koob wax lagu wada miisto, dhaqaalaha, Xoriyada, Siyaasada dawlo-nimo, Iyo tan Xubnaha baarlamanka balse waa been abuur aan waxba ka jirrin  sidaan layliga  kore ku sheegnay Xisbiga EPRDF waxaa ku bahoobay uun Afar qoomiyo haseyeeshee waxaa codka leh Xubnaha qoomiyada Tigree-ga halka Sadexda kale Liiska buuga uun ku qoranyihiin

Sagaalka Qoomiyado ee loogu yeedho Magaca Ku meelgaadha ah ee Itoobiya waa Sidan.

  1. Tigree
  2. Oromo
  3. Somali
  4. Canfar
  5. Gembella
  6. Herari
  7. Benishangul
  8. Amxaaro

I. Shucuubta Koonfur

Sigaalkuna way sii kala jeedaan oo mid midnimada Itoobiya doonaysa ma jirto mid walbana waxay leedahay Hadaf Siyaasadeed oo u gooni ah Iyo Jabhaddo hubaysan. Xukunka TPLF Iyo musuq-masuqa EPRDF waxaa u adkaysan waayay dhamaan qoomiyadahan kuwaas oo go’aansaday inay Xukunka ka Tuuraan Xisbiga EPRDF/TPLF waxaana hubka boobay Jabhaddo Faraban Iyo Ururo aan hubaysnayn oo iyagu bilaabay olole Siyaaasaded oo ka dhan ah Xukunka TPLF/EPRDF Iyo gumayusiga Itoobiya waxaa Jabhadaha hubka boobay ka mida

  1. Jabhadda ONLF     (Ogaden National Liberation Front )
  2. Jabhadda OLF         (Oromo Liberation Front )
  3. Jabhadda   BPLM     (Benishagul People’s Liberation Movement )
  4. Jabhadda   SLF        ( Sidama Liberation Front )
  5. Jabhada   ARDUF      (Afar Revolutionary Democratic Unity Front )

F. Jabhadda GPDM       ( Gembella People’s Democratic Movement)

  1. Jabhadda  Ginbot 7    ( Ginbot 7 Movement for Justice  Freedom and Democracy  )
  2. Jabhadda  TPDM      (Tigray People’s Democratic Movement )

Waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa  soo badanaya Jabhaddo Cudub dhanka Ciidanka gaashaan buurta Itoobiya waxaa la dhex jira guux Siyaasadeed iyada oo dadku ka walaacsan yihiin siduu Ciidanku wax noo Jabhadda ula diriri-laha!

Rajo intee le’egbaad ka qabtaa  Adiga oo eegaya Xoogaga Jabhadada diidan gumaysiga Itoobiya in Xukuumada EPRDF/TPLF  sii haysan doonto ama gumaysan doonto shuuubtaas midaba cayn tayntahay ee magaca ku meeel gaadh ak ah ee Itoobiya lagu qasbayo ? Jawaabta waxaan uga tagayaa Akhristaha

Saameeynta Soomaalida ?

TPLF waa Urur ku caanbaxay Jaajuus-nimada sidaaa  daraadeed Saameeynta Iyo Cudurada uu dhalinta Soomaaliyeed dhaxalsiisay waxaa ka mid ah kalsooni daro, is aamin la’an, Dhalanrog Taariikheed, Dadkii Somalida ahaa oo Itoobiyanimada ku naalooda Soomaalinimadan ka cararaya iyo in uu  nagu dhex beertay raashin aan dab loo helin wali oo magaciisa  la yidhaahdo Qabiil Iyo beelaysi Fadaraal 4.5 wax la yidhi maamul goboleedyo mid walba Safaaradi u taallo

Ugu dambeen Itoobiya Iyo umada Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya Colaad soo jireen ah oo aan la isu turayn, tii sidaas ahayd ayaa fursad u heshay dhulka Soomaaliyeed. 2006kii maalintay TPLF qabsatay Muqdisho ee ay Maxaakiim-tii ka haajireen magaalada waxaa Khudbad ka jeediyay  Muqdisho Meles Zenawi waxaana ugu hambalyeeyay Kii agtooda dilka ku Xukunaa ee ay Xukunka kala wareegeen waa Mingisto Heilemariam wuxuu yidhi Heilemariam ‘’ Zanawi wuu iga Nin rageedsan yahay mar haduu Muqdisho ka khudbadeeyay ‘’

Jabhadda ONLF ayaa iyadu noqotay Jabhadda kaliya ee Soomaali leedahay ee u halganta dhulka Soomaaliyeed ee Ogadeniya. ONLF waxay mudan tahay inay Tusaale wanaagsan u noqoto Soomaaliweyn, waxaana hubaal ah inay ka guulaysan doonto  gumaysiga Itoobiya balse xiliga ay noqon Illaahay ayaa og. Jabhadda ONLF waa Jabdhad hab dawlad –nimo u dhisan waxayna leedahay Xeer lagu dhaqmo.

Qodobka 8aad ee xeerka Jabhadda ONLF ayaa qeexaya sidan

‘aaminsanaanta Iyo ku dhaqanka diinta Islaamka oo ah tiirka kaliya ee mideeya dadka Ogadeniya, xaqa aayo katalinta dadyawga lagumaysto sida ku cad go’aamada Iyo xeerarka Qaramada Midoobay, ilaalinta Xuquuqda aadanaha Iyo mabda’a nabad ku wada noolaanshaha dadyawga dunida Iyo dawladaha habka kala duwan ku dhisan sida waafaqsan go’aanada Iyo xeerarka Qaramada, xidhiidh Iyo iskashi halgan oo lalayeeesho dhaqdha-qaaqyada gobinimo doonka ah gaar ahaan kuwa gobolka Iyo dawladaha rumaysan xaqqa aayo katalinta, ladagaalanka gumaysiga midab-takoorka Iyo nooc kasta oo cadaadis ah, in wixii Khilaafa lagu Xaliyo si nabadgaliyo ah, Iyo Sinaanta dadka shaciga hortiisa,,

Lasoco qaybta dambe ee qormadan

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay