Waraka aan ka helayno Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay CWXO ku hayaan ciidamada dacdaraysan ee doolka ku jooga dhulka Ogadenia waxayna dagaaladu ugu dambeeyay een helnay warbixintooda u dhaceen sidan;

6/11/14 Gobcaayeed oo Dagamada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada Gumaysiga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/11/14 Baliqabriyaale oo Dagmada Sagaga ee Gobolka Nogob katirsan dagaal xoog leh oo cwxo iyo kuwa wayaanaha ku dhaxmaray waxaa wayaanaha lagaga dilay 9 askari 16 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/11/14 Bakhtiwayne oo Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka budhcada ah ee gumaysiga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/11/14 Galoolgoosi oo Dagamada Sagag katirsan dagaal culus oo kadhacay waxaa ciidanka bahalka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay inta lahubsaday 6 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/11/14 Booraanka oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan weerar xoogan oo ay CWXO ku qaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo halkaas ku sugnaa waxay ku gaadhsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh oo aan lasoo faahfaahinin.

16/11/14 Xeroqayro oo Dagmada Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/11/14 Bardalay oo Dagamada Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay