Jaaliyadda Norway Ayaa Ku Banaanbaxday Safaarada Shiinaha
Jaaliyada Soomaalida ogaadeenya ee dalka Norway ayaa Waxaa maanta oo ah 20.11.2014 ku mudaaharaaday safaarada dalka Dhiinaha uu ku leeyahay magaalada Oslo.
Banaanbaxan ayay jaaliyadu kaga cabanaysay xadgudubka ay shirkadaha shidaalka ee shiinaha u gaystaan dadka reer miyiga ah ee Ogaadeenya. Jaaliyadu ayaa dowlada Shiinaha ka codsatay in gabi ahaanba ay joojiso baadhitaanka sharci darada ey ka wadaan dalka Ogadenya inta qadiyada Ogaadeenya laga xalinayo.
Mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhagyo ay ka mid ahaayeen ;
1. No oil before freedom (Shidaalka Lama soo saarayo Xoriyadda Ka Hor.)
2. Stop displacing Ogaden civilians (Joojiya Barakicinta Dadka Shacabka ah ee Ogadenya)
3. Stop Funding ethiopian regime (Joojiya Maalgalinta aad Siinaysaan Itobiya)
Iyo ereyo kale oo badan oo looga soo horjeedo siyaasada guracan ee dowlada Shiinaha ka wado wadanka la gumeysto Ogaadeenya.
Banaanbaxa ayay jaaliyadu si wanaagsan ugu cabireen dareenkooda ay ugu hiilinayaan dadkooda, wuxuuna mudaaharaadku kusoo dhamaaday guul ay jaaliyadu ka gaartay hadafkii ahaa in ay muujiyaan diidmadooda ku aadan xasuuqa dadkooda ee shirkadaha shidaalku ay masuulka ka yihiin.
ONA.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.