Jaaliyadda soomaalida Ogadenya ee dalka Finland ayaa mudaharaad Ku qabtay safaarada shiinasha ay Ku leedahay dalkaasi Finland.
banaanbaxan ayaa bilowday Khamiisti 20/11/2014 abaarihii 12:00 duhurnimo kana bilowaday afaafka hore EE ssafaaradda china. Waxaana kasoo qaybgalay dad aad u farabadan iyadoo lagu jiro wakhtigii jiilaalka heerka qabowguna aad u hooseeyo (-10c ).


Banaanbaxan waxaa lagu canbaareeyay shirkadaha Shidaalka Qoda ee laga leeyahay wadanka Chinada kuwaaso baryahan danbe  khayraadka dabiiciga ah ee Ogadenya isku dayaya inay si sharci darro ah kula soo baxaan. Shirkadaha Shidaalka Qoda ee wadanka China kasoo jeeda kuna sugan dhulka Ogadeniya waxay qeyb ka yihiin xasuuqa loo geysanayo shacabka Somalida Ogadeniya.


Hadaba jaaliyadda soomaalida ogadenya ee Finland waxay Cabashadooda u gudbiyeen Safaarada China.


Shacabka ayaa Ku dhaqayey erayo muujina sidayna marna raali uga noqonaynin waxay shirkadaha shiinuhu kawadaan Ogadenya sidookale shacabku waxay wateen boodhadh cadaynaya muuqaali iyo qoraalo ka turjumaya xasuuqa ee ay qeybta ka yihiin shirkadaha Shidaalka China ka wadaan dhulka Ogaden.
ONA
Helsinki

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay