Jaaliyadda Doxa ayaa kusoo dhaweysay dalkan Xubin ka socda Jaaliyadda balaadhan ee Oromada Minnesota. Xubinkan ka socda jaaliyadda Oromiya ayaa hadal aad u qiimi badan ka jeediyay xafladda isagoo ka xog-waramay taariikhda labada shacab iyo dhibaatooyinka ay soo mareen. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa in labadan shacab ay diyaar u yihiin inay kula noolaadan qawmiyada kale ee driska la’aha nabadgalyo iyo wax wada qabsi hasa ahaatee aanay u diyaar u ahayn in lasii gumaysto.

Shacabka Oromada oo ka badan 50% diyaar uma aha inay sii daba fadhiyaan Amxaaro ama Tigree, waxaana ka go’an inay Itobiya xukumaan oo dimoqraadiyad iyo cadaalad ku xukumaan, hadii la waayana ay ka xoroobaan gumaysigan soo daashaday. Wuxuu aad uga waramay waxtarka uu kusoo kordhiyay qadiyadda shacabka Oromada TV-ga ay Jaaliyada Minnesota ee Oromada ka fureen halkaa.

Hogaanka Warfaafinta JWXO oo kusoo dhaweeyay martiqaadka ayaa isagana ka warbixiyay qadiyadda Ogadenya iyo heerka uu marayo halganka shacabka Somalida Ogadenya, wuxuuna uga mahadnaqay xubinka ka socda jaaliyadda Oromiya ee Minnesota qadarinta uu u hayo shaqsi ahaan qadiyadda Ogadenya iyo guud ahaan shacabka Ogadenya.

Halkan ka dhagayso qayb ka mid ah hadalkii xubinka ka socday Jaaliyadda Oromiya oo Af-Somali ku hadlaya;

 Oromo delegation Speech

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay