Shirkan oo lagu gorfeeyo wax qabadka Faraca ee billaha ah ayaa guul ugu qabsoomay Maamulka faraca.  Shirka ayaa waxaa laga akhriyay warbixin guud oo kusaabsanayd xaalada Ogaadeeniya iyo Halganka dibad iyo gudaba meesha uu marayo. Sidoo kalle waxaa laga akhriiyay wareegtooyin iyo awaamiir shaqo oo Faraca kaga yimid Xarunta Dhexe ee Jaaliyada Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika.

Waxaa kale oo Hogaamadu soo gudbiyeen wax qabadkii billaha ahaa ee faraca islamarkaana waxaa la’isla eegay qiimaynta hawlaha iyo waxyaabaha u qabsoomay faraca. Waxaana si wanaagsan looga dooday hawlaha dag daga ah ee faraca horyaala iyo sidii loo fulin lahaa awaamiirta Xarunta.

Isku soo wadada duuduub oo shirkan oo saacado socday ayaa si guul ah kusoo dhamaaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay