Waxaa maalimadii Axada shir muhiim ah isugu yimid Hawlwadeenada jaaliyada magaalada Edmonton. Shirka ayaa sidii dhaqanka ahayd waxaa lagu furay wacdi diini ah oo dhinacyo badan taabanayey. Ka dibna waxaa shirka si rasmi ah u furay gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton mudane Cabdi Cali oo ka soo jeediyey madasha warbixin aad u xeel dheer oo uu kaga hadlay wixii u qabsoomay jaaliyada iyo wixii aan u qabsoomin mudadii bisha ahayd iyo hawlaha horyaala jaaliyada ee u baahan in la dhamaystiro hadii liaahay yiraahdo.

Wuxuu gudoomiyaha jaaliyadda aad ugu dheeraaday ururada bulshada in si xoog leh  loo dar dar geliyo sida ururka haweenka, kan dhalinyarada ee OYSU, odayaasha iyo waxgaradka umada Soomaalida Ogaadeeniya.

Hadalkii gudoomiyaha ka dib waxay xubnihii jaaliyadu guda galeen oo ay aad uga doodeen qorshayaashii hor yaalay jaaliyada ee la doonayey in la fuliyo waxaana loo lafa guray si dhamaystiran oo ay bisayl jabhadeed ka muuqato, runtiina wixii laga doodayey waxaa laysugu af gartay si wanaagsan.

Shirka ayaa ku dhamaaday  guul iyo is afgarad.

Cabdiraxmaan/Canada

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay