Agab kamida Hiddaha Somalida Ogaden

Agab kamida Hiddaha Somalida Ogaden

Ururka Dhalinyarada Iyo Ardeyda Ogaden ee Jaaliyada Birmingham (OYSU Birmingham) ayaa xaflad lagu soo Bandhigay Hiddaha Iyo dhaqanka Somalida Ogadeniya ugu qabtay gabdhaha Soomaliyeed ee ku nool Magaalada Birmingham. Xafladan oo gaar u aheyd haweenka kaliya waxaa soo qaban qaabiyay Ururuka OYSU Birmingham.

Xafladan oo ka koobneyd casho Sharaf iyo Ciyaaro Hiddaha Iyo dhaqanka Somalida Ogaden, Majaajilooyin iyo arrimo Badan oo Xiiso leh ayaa Si guul ah ugu soo gaba gabowday Magaalada Birmingham Habeenimadi Sabtida 22 November 2014.

Ururuka OYSU Birmingham ayaa Caan ku ahaa in hadiyo Jeer ay barnaamijyo Sameeyaan lagu taakuleeyo Agoonta Iyo Caruurta tabaaleysan ee Ku jira Xeryaha Qaxootiyada. Waxaana eega Markii u horeysay ay qabteen Xaflad noocan gaarka u ah Haweenka. Barnaamijkan oo  aad loo soo dhaweeyay waxaa larjeynaya Barnaamijyo kale oo midkaan lamid ah inay Waqtiyada Soo socda ka dhici doonaan Wadanka UK gaar ahaan Magaalada Birmingham.

 

Gabdhaha OYSU Birmingham Ciyaaraha Hidaha Dhaqanka Ogaden.

Gabdhaha OYSU Birmingham oo Soo Bandhigay Ciyaaraha Hidaha & Dhaqanka Ogaden.

Xafladi OYSU Birmingham si Qurux badan u dhacday

Xafladi OYSU Birmingham si Qurux badan u dhacday

OYSU Birmingham
Badan oo Lagu Soo bandhigay Xafladi Hidaha Iyo Dhaqanka Ogaden

Ciyaaro Badan oo Lagu Soo bandhigay Xafladi Hidaha Iyo Dhaqanka Ogaden


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay