Maalinamdii  Sabtida oo  taariikhduna  ku beegnayd  20-11-2014 ayaa  waxaa ka dhacay  dalka Sweden gaadh ahaan  Caasimada  Stockholm  Mudaharaad  Safaarada  Chinaha  horteeda.

Mudaharaadkaas  oo loogasoo  hor jeeday  arimaha  xad gudubka  ah ee ay  dawlada  China  ka wado gudaha Ogadenia  oo ay ka midka  yihiin  soo saarida  shidaalka.

Waxaa  fagaaraha  uu ka Dhacayay  mudaharaadka  isugu  yimid  dad aad u cadhaysan, oo aad ooga gadoodaday  gabood  falada  ay ku hayso dawlada China  dalka Ogadenia ee  dulmiga TPLF wali ku hoos jira, iyada  oo ay China ka mid tahay dawladaha  waaweeyn  ee awooda  ku leh caalamka.

Sidaa darteed ayeey  mudaharaadayaashii  ku  ceebiyeen  sida  tugaysiga  ah ee ay  ugusoo dhuumaalaysanayso dawlada China  qayraadka Ogadenia !

Dhanka  kale  Mudaharaadayaasha  ayaa ku  dhawaaqayay  erayo  halku  dhagoodu  yahay  China inay joojiso  dhaca  shidaalka  Ogadenia, sidoo  kale  inay  joojiso  taageerada  iyo  garabka  ay sii nayso  taliska  dhiigya  cabka ah ee xukuumad  ku sheegta  fadhigeedu  yahay  Addis-Ababa.

Sikastaba  ha ahaatee  Mudaharaadka  oo bilowday abaaraha  1:00pm duhurnimo  ayaa  si habsami ah kusoo gabagaboobay  saacadu  markay ahayd   4:00pm.

Ilwaad  Ali/ONA

Sweden/Stockholm.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay