Q6aad ee Taxanahan waxaan kusoo marnay in maleesiyadii Wayaanaha ee joogtay Ogadenia oo laga dhigay militariga Itobiya amar lagu siiyay in ay weerar ku qaadaan xarumaha ONLF ciidamada ku tababarto iyo in cid kasta oo shacabka Ogadenya ka mid ah oo diida amarka TPLF-na la toogto. Waxayna filayeen in N/hurayaasha CWXO ay sidii ciidamadii Itixaadka ama OLF u kala carari doonaan. Taasoo uu ku guuldareystay gumaysiga, jab weynna uu kasoo gaadhay maleesiyaadkii TPLF.  Waxaa halkaa ku joogsaday weerardii maleesiyaadkii TPLF ay ugu talagaleen iny ku kusoo laayaan ama uga saaraan dalkooda xubnaha iyo N/hurayaasha ONLF.

Weerarkii ay CWXO ku qaadeen saldhigyadii gumaysiga ay ka samayteen Cobolle wuxuu badalay qorshihii cadawga ugu talagalay inuu kula dagaalamo ururka ONLF, waxayna qaateen istraatiijyo cusub oo ku dhisan xasuuqa shacabka oon aabayeel lahayn.

Qaybta 7aad ee qormadeena waxaan ku bilaabi doonaa Hordhac ahaan inaan fahamno siyaabaha uu gumaysiga u hawlgaliyay gacmaha uu ku fulinayo jariimada uu ka galay shacabkeena, gacmahaasoon ahayn kuwii cadawga taariikhiga u ahaa umadeena. Waxaanan cinwaan hordhac ah uga dhiganay;

Maxaa sabab u ah in ilmahaan dhalnay ay dadkoodii cunaan

Su’aashaa ayaa meela badan la’iska weydiinayaa, oo qudhayda igu noqotay hal-xidhaale ay adagtahay inaan fahmo. Wiil iyo gabadh aad taqaanay oo shalay kula joogay oo maalin ka dib loosoo tababaray inuu soo dilo walaalkii ama soo kufsado walaashii/ ina adeertii oo uu garanayo oo ina hebel ah. Waa arin la yaab leh oy adagtahay in si sahlan loo fahmo sida ay ugu suurtagashay gumaysiga Itobiya arintaa.

Anigoo hal-xidhaalahaa dhabanada la haysta ayuu wiil dhalinyara ah oon arimaha halganka ka doodno igu yidhi ma akhrisay warbixinta laga qoray baadhitaanka loogu magac daray Stanford Prison Experiment? Wuxuu raaciyay hadaad akhriso ood daawato filimada laga sameeyay baadhitaankaa, waxaa laga yaabaa inaad jawaab u hesho arimahan aad la yaaban tahay. Siduu sheegayay ayayna noqotay.

Inta aanan idinla wadaagin waxyaabaha aan ka faa’idaystay baadhitaankan loogu magac daray Stanford Prison Experiment, oo uu sameeyay professor Philip Zimbardo oo ka dhigi jiray cilmi nafsiga (psychology) jaamacadda Stanford ee dalka Mareykanka, aan idiin dul maro baadhitaanka wuxuu ku saabsanaa iyo siduu u dhacay iyo natiijadii kasoo baxday. Ujeedada Prof. Zimbardo iyo kooxdiisa waxay ahayd inay baadhaan malaha ama (hypothesis)-ka ah, ma dabeecadaha uu ku dhasho qofka bani-aadamka ee u qarsoon (inherent personality traits), ayaa sabab u ah Falalka Cabudhinta ah ee xabsiyada ka dhaca.

Say u ogaadaan arinta inay sidaa tahay iyo inkale ayay waxay soo xusheen 24 dhalinyara ah oo caafimaad ahaan iyo nafsad ahaanba u qalmay inay tijaabadan fuliyaan. Waxaa 24kan laga soo xushay 70neeyo qof, iyadoo laga saaray kuwii horey u galay dambiyo ama nafsiyan aan daganayn ama caafimaadkoodu liitay oo aan kasoo bixi karin tijaabada. Waxaa loo balan qaaday dhalinyaradaa in tijaabada markay dhamaystaan lasiin doono gunno fiican.

Waxaa xabsi looga sameeyay dabaqa hoose ee jaamacadda iyagoo 12ban loo sheegay inay noqayaan kuwa xabsiga ku jira, 12banka kalena yihiin waardiyihii xabsiga. Prof. Zimbardo isagana wuxuu qaatay doorka ah inuu yahay Kormeeraha xabsiga, wiil kalena waxaa laga dhigay Madaxa xukuma askarta maxaabiista ilaalinaysa. Intaan la bilaabin tijaabada waxaa askarta loo furay hanuunin, waxaana lagula balamay in aanay adeegsanin xoog dhaawac u gaysta maxaabiista. Waxaa lagu yidhi; “Waxaa la’idiin ogolyahay inaad quusasho dareensiisaan maxaabiista oy idinka cabsadaan ilaa heer, inay ku dhalato fikrad ah in idinka iyo nidaamka aad matalaysaan ay gacanta ku hayaan noloshooda oo idil oo aanay jirin wax gaar u ah oo idinka qarsoon.” Muhiimadda ugu weyn waa inay dareemaan intay ku jiraan xabsiga in aanay lahayn wax awood ah.

Waxaa la siiyay askart budhadh iyo dharkii askarta iyo ookoyaale madow si aanay indhahooda isu qaban. Ardaydii matalaysay maxaabiistana waxaa loo xidhay dharkii xabsiga iyo koofiyadii maxaabiista. Waxaana loogu dhajiyay shaadhka Tiro (Numbers) aan magac wadanin oo loogu yeedhi doono. Waxaa mid walba gurigiisa kasoo xidhay booliska rasmiga ah ee magaalada isagoo jeebaysan, waxaana la mariyay nidaamkii caadiga ahaa ee maxaabiista ee sawirka iyo waxyaabaha laga qoro, waxaana 3exdiiba lagu xidhay qol yar, iyadoo lagu amray in aanay qolalkoodaa kasoo bixin maalin iyo habeenba intay socoto tijaabada. Maxaa dhacay ka dib?

Maalintiii 1aad buuq ayuu ku dhamaaday, maalintii 2aad qoladii ku jirtay Cell 1 sariirihii u yiilay ayay albaabkoodi ku xidheen, waxay iska saareen koofiyadihii loo xidhay, waxayna diideen inay amarka qaataan oy kasoo baxaan qolka. Askartii dhamaystay shaqada ayaa dib ugu soo noqday shaqadii iyagoon cidna ku amrin say u caawiyaan shift-igii shaqada lahaa, waxayna ku weerareen maxaabiistii qalabka dab-damiska. Muddo yar ka dib arintii faraha ayay ka baxday, inkastoy isku dayeen askartii ilaalinaysay inay isticmaalaan xeelad ah inay abaalmarin uga dhigaan raashin iyo qol gaar ah  kuwii usluubtooda hagaajiya.  Markay kasoo wareegtay 36ex saac ayuu mxaabiistii midkood waalasho ku sigtay, waxayna noqotay buu yidhi Prof. Zimbardo inaan iska fasaxno. Ka dib waxay bilaabeen askartii Waardiyaha ahayd inay ku ciqaabaan is-xaadirin joogta ah iyagoo qofkii diida inuu Lambarkiisa ka jawaabo marinaya ciqaab ah inay saacada badan ciyaarsiiyaan. Muddo yar ka dib waxaa xumaaday nadaafadii meesha ka dib markay ciqaab ahaan ugu diideen waardiyihii qaar ka mid ah maxaabiistii oy ku qasbeen inay ku kaadiyaan oy ku saxaroodaan baaldiyo. Waxay ciqaab uga dhigeen hadana in aan laga qaadin baaldiyadii. Firaashyadii lagu seexanayay oo aad qaali ugu ahaa maxaabiista ayay ka qaadeen qaarkii amar diidada sameeyay, waxayna seexiyeen sibidhka. Waxaa ku xigtay inay qaar ka mid ah maxaabiistii qasab ku qaawiyeen say sharafta uga qaadaan. Waxaa marba marka ka dambaysa ka muuqanaysay qaar ka mid ah dhalinyaradii noqotay askarta cadawtinimo. Waxay culumadii diiwaan galinaysay tijaabada isku raaceen in saddex-dalool (one-third) dhalinayaradii waardiayaynaysay maxaabiista ay si dhab ah u noqdeen saadiistayaal (Sadists) oo ka mid ah cudurada nafsiga ah oo lagu macneeyo in qofka Saadiistaha ah uu ku raaxaysanayo cabaadka iyo oohinta qofka uu ciqaabayo. Lix maalin ka dibba waa la joojiyay barnaamijkii taasoo aanay jeclaysan kooxdii waardiyaha ahayd hasa ahaatee ka farxisay kuwii maxaabiista laga dhigay.

Saddex iyo soddon sano ka dib tijaabadii Prof. Zimabrdo ayaa waxaa soo baxday fadeexadii ay ka sameeyeen ciidanka Mareykanka xabsiga Abu Ghareeb ee Ciraaq. Prof. Zimbardo wuxuu ka mid noqday qareenadii difaacayay askari ka mid ah kuwii ciqaabta maxaabiista ka qayb galay, wuxuuna ku doodayay in khaladka ay ku dheceen dhalinyaradan ay sabab u tahay nidaamka xabsiyada ee Ciidanka Mareykanka. Wuxuu fursad u helay inuu akhriyo oo baadho wixii laga qoray askartii ka dambaysay ciqaabta maxaabiistii Abu Ghareeb. Macluumaadkii uu ka helay baadhitaankaa iyo tijaabadii uu horey u sameeyay isagoo kaashanaya ayuu Prof. Zimabrdo wuxuu qoray kitaab uu cinwaan uga dhigay – The Lucifer Effect: Understanding How Good People Turn Evil – wuxuuna kaga hadlayaa sida dad wanaagsanaa isugu badali karaan dad xun oo dhibaateeya bulshadooda. Wuxuu leeyahay Prof. Zimbardo; Bani-aadamka laguma tilmaami karo Samaan iyo Xumaan, sababtoo ah waxaan leenahay awood aan labadaa midkaan doono ugu dhaqmi karno, gaar ahaan hadday isbadasho xaaladda aan markaa ku suganahay.

Fikradda Prof.  Zimabrdo waxay ku qotontaa; Dad wanaagsan ayaa laga dhigi karaa oo lagu dhiirigalin karaa inay u dhaqmaan si shar ah. Waxaa dadka loo hogaamin karaa buu yidhi inay fuliyaan waxyaabo duminaya mujtamacooda oo aad u baabi’naya oo caqliga ka baxsan hadii la dhex geeyo xaalad dabeecadda aadamaha lid ku ah taasoo abuuraysa inuu qofkaasi u dhaqmo si shaqsiyadiisa iyo akhlaaqdiisii iyo fikirkiisiiba kasoo horjeeda.

Waxaa halkaa inooga ifay in qofka loo jahayn karo inuu mujtamiciisa baabi’iyo, gaar ahaan marka la ogaado inuu qofkaasi u qaabaysan yahay inuu noqdo shaqsi ula dagaalami kara mujtamaca uu ka dhashay si xishood la’aan ah oo naxariis darra ah.

Qaybtan 7aad halkaa ayaan ku daynaynaa, waxaanan Qaybta 8aad ku eegi doonaa haduu Eebe Idmo siyaabaha ay Itobiya ugu guulaysatay inay hesho dhalinyaro diyaar u ah oo ku faanaya inay baab’iyaan ehehaldoodii ugu xigay.

Inta ka horeysa nala sii daawada filimkan ka hadlaya tijaabadii Prof. Zimbardo.

La soco Qaybta Ku Xigta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay