Wararka aan ka helayno Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka xog-waramay dagaallo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu wiiqay. Dagaaladan oo meela kala duwan oo dalka ka dhacay ayaa cadawga lagaga dilay ciidan gaadhay 30askari oo darajooyin kala duwan lahaa. Waxaa sidoo kale lagaga gubay laba gawaadhida ciidanka lagu qaado oo wixii saarnaa lala holciyay. Dagaaladan aan helnay warbixintooda ayaa waxay u dhaceen sidan;

14/11/14 Shabeelay oo dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhaxmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/11/14 Dhiita oo dagmada Awaare katirsan weerar mir ah oo ay CWXO ku qaadeen ciidamada wayaanaha ee halkaas kusugan waxay ku gaadhsiiyeen khasaare balaadhan oo aan faahfaahin wali laga helin.

15/11/14 Dayr oo Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada saama laluudka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay inta lahubsaday 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacmay.

23/11/14 Xamaro oo Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/11/14 Kukta oo dagmada Dhagaxmadow katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo nooca dagaalka ah waxaana  ku bakhtiyay 12 askari 5 kalana waa lagudhaawacay.

24/11/14 Buundada oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari tiro aan la xaqiijinina waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay