Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday inya 25ka November noqoto maalin la xasuusto dhibaatada lagu hayo haweenka meela badan oo caalamka ka mid ah. Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa ugu talagalay maalinta 25ka November inay noqoto maalinta caalamka la xasuusiyo dhibaatada gaarka ah ee lagu hayo haweenka meela badan oo caalamka ka mid ah.

Dalalka qiimeeya doorka ay dumarka ku leeyahay nolosha aadanaha ayaa waxay wadaan barnaamijyo lagaga hadlayo dhibaatada sida gaarka ah loogu gaysto haweenka, gaar ahaan dunida 3xaad iyo meelaha ay dagaalada ka jiraan. Dalalka qaar ayaa bilaabay barnaamijyo si joogta ah u socon doona 16ban maalmood oy ugu talagaleen inta laga gaadhayo Maalinta Xuquuqul Insaanka oo la xuso 10ka December.

Meelaha ugu daran ee caalamka ay ka dhacaan dambiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka waa dalka Itobiya. Baadhitaan lagu sameeyay meela kala duwan oo Itobiya ka mid ah waxay sheegeen haweenkii la wareystay in loo gaystay jidh dil ama kufsi ama adoonsi meelaha qaarkood.

Taasoo caam ah ayay hadana dalalka gumaysiga Itobiya ku jira ay u dheertahay in haweenka ciqaabyo farabadan oo siyaaba kala duwan ugu dhaca loo gaysto.  Intaan laga soo saarin Ogadenya haya’ada caalamiga ah ee xuquuqda u dooda  warbixin rasmi ah oo Haya’adda -Women For Peace ka soo diyaarisay Ogadenya ayay cinwaan uga dhigtay – Kufsi Naxdin leh oo Haweenka Ogadenya Lagu hayo  (Shocking Sexual Violence Against Women in Ogaden (Campaigns). Waxaa ka mid ah waxayaabaha ay Haya’adda WFP qortay waxaa ka mid ahaa; Ogadenya ma jiro haba yaraatee wax qaanuun ah oo gabdhaha iyo haweenka ka ilaalinaya in lagu xadgudbo oo la kufsado. Kufsiga naxariis darada leh ee ciidanka rasmiga ah ee Itobiya uu ka wado Ogadenya lagu tilmaami karo kufsi, sida ay noo sheegeen dadkii dhibaatadaa ku dhacday een wareysanay iyagoo soo gaadhay Xeryaha Qaxootiga ee Kenya.

Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya Adm. Maxamad C. Cismaan, wuxuu halkan uga dirayaa dhambaal ku socda Haweenka Ogadenya uu ku muujinayo siduu uga murugoonayo dhibaatada uu gumaysiga iyo canaasir uu ku adeegto oo nala jinsi ah ay ku hayaan gabdhaheena. Wuxuu Ilaahay uga baryayaa inuu dhibka ka qaado umadeena. Wuxuu Gudoomiyaha si gaar ah uga codsanayaa Jaaliyadaha Ogadenya meel kastoy joogaan inay caalamka wargaliyaan dhibaatada lagu hayo haweenka Ogadenya oo filamada laga soo duubay dhibanayaasha ugu tarjumaan luqadaha dalalka ay ku noolyiniin, isla mar ahaantaana ay ka furaan dacawado dambiilayaasha dambiyada ka dhanka ah Haweenka fulinaya.

Ugu dambayntii, Waxaan maalintan la xusuusanayo dhibka lagu hayo haweenka aan idinla wadaagaynaa filimkan ka xogwaramaya dhibaatada lagu hayo Haweenka Ogadenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay