Waxaa  lagu qabtay  magaalada Pretoria ee Caasimada dalka  Koonfur Africa iyo magaalada Uitenhage ee Xaruntii hore ee Jaaliyada Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika Shirar si fiican loosoo qaabeeyay oo ay kasoo qayb galeen xubnaha Jaaliyada ee  ku nool deegaamadaas.

Shirarkan oo ay  ujadeeyinkoodu ahayeen sidii loo sii dardar galin laha  arimaha Jaaliyadda  Iyo doorka ay ku leedahay Halganka gobonimo doon ka ah ee ay JWXO hogaaminayso ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida Xubnaha Jaaliyadda Ogadeniya ee magaalada Pretoria, magaalda Port Elizabeth iyo nawaaxigeeda.

Shirarkan ayaa waxaa  ka  hadlay masuuliyiin kamid ah Golaha dhexe ee JWXO, masuuliyiinta Jaaliyadda,  aqoonyahano, Haween, Odayaal Iyo Marti Sharaf kale oo kasocotay qaarada yurub oo kaqayb qaadatay shirkii magaalada Pretoria.

Shirka Xarunta Jaaliyada ee Magaalada Pretoria ayaa waxaa lagu doortay  Xoghayaha Ururka Midawga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadeniya (OYSU) ee Gobolka Gauteng  Bashir Axmed (Bashiir Ogadenia).

Shirarkan oo ugu dabeyn la isla qaatay qodobo wax ku ool ah ayaa waxaa  ka soo baxay go’aamo lagu taamo oo ay gudida Jaaliyadu tilmaameen inay  wax ku soo kordhin doonto wax qabadka Jaaliyadda.

Jaaliyadda  Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa ka mida Jaaliyaddaha Ogadeniya kuwooda ugu xoogan dhanka Abaabulka bulshada.

IMG_8627

IMG_8631

IMG_8635

IMG_8629

IMG_8628

IMG_8631

IMG_8630

IMG_8633

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay