20141125_110309Shir qaatay labo maalmood oo sanaskiiba mar la qabto ayaa 25 iyo 26kii bishan November lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay (QM) ee Geneva. Kulankan oo ay xaadir ku ahaayeen dhamaan wadamada xubnaha ka ah QM, heeyado madax banaan iyo ururo kala duwanoo ka socda umadaha dulman ama gumeeysiga ku hoos jira ayaa lagu lafaguray ajandayaal ay ka mid ahaayeen:

  1. Adoption of the agenda and organization of work.
  2. Legal frame work and key concepts.
  3. Understanding the root causes of violence and atrocity crimes.
  4. Improving prevention of violence and atrocity crimes.
  5. After violence breaks out — essential measures for resolution, protection and security.
  6. Avoiding renewed violence — building the peace and managing diversity.
  7. Concluding remarks.

Qodobada  3aad ilaa lixaad ayaa heeyado kala duwan oo qadiyada Ogaadeenya u taagan si adag uga hadleen iyagoo ka soo balaabay in Ogaden wadamo reer Galbeed ah isku dhiibdhiibeen ka dibna Itoobiya ku wareejiyeen ama si sharcidaroa ah ku xeeyn-daabatay.

Waxaa meesha ka soo baxay oo la islaqiray in Ogaden tahay wadan gumeeysi kujira sida wadamo badan oo la xoreeyayna loo baahanyahay in laga xoreeyo gumeeysiga Itoobiya ee sharcidarada ku jooga.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda UN ka xubnaha wadamada ka ah si toos ah dhagahooda ugu maqlaan sabahaha keenay in Ogaadeenya shacabkeeda lagula kaco xasuuq iyo halka ay salka ku heeyso dhibaatadanoo ah mid ka mid ah kuwa Afrika ugu daba dheeraaday.

Waxaa soo kordhaya fahanka dunida qadiyada Ogaadeenya xaqnimadeeda iyadoo meesha ay ka sii baxayaaan beentii Itoobiya ee aan salka laheeyn iyadoo Itoobiya aanay heeysan dood sharci ah oo ay isku difaaci karto marka laga hadlayo sida Itoobiya ku qabsatay wadanka Ogaadeenya.

Qudbadihii kala duwanaa ee heeyadaha kala duwan ee qadiyada Ogaadeenya u ololeeya halkaa ka jeediyeen ayaa la kulmay soo dhaweeyn wanaagsan iyagoo loogu hambalyeeyay hoowsha ay wadaan iyo sida ay muhiimka ugu tahay in ay u soo bandhigaan.

http://www.ohchr.org/EN/HRBodies/HRC/Minority/Pages/Session7.aspx

http://unpo.org/article/17733

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay