CWXO3Wararkii ugu dambeeyay een ka helnay Xarunta Dgexe ee JWXO oo ka warbixiyay weerara ee CWXO ku wadaan fadiisimada cadawga uu ku samaystay wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in dagaallo xoogan oo ciidamada wayaanaha lagu wiiqay ay ka socdaan meela kala duwan oo dalka kamid ah. Warbixnta nasoo gaadhay oo faahfaahsan ayaa cadawga lagaga dilay ciidan tobaneeyo ah iyo dhaawac intaa ka badan iyo gaadhi Ural ah oo lala holciyay ciidankii saarnaa. Dagaaladaa ayaa waxay u dhaceen sidan;

24/11/14 Higlaale oo dagmada Goday ee xarunta Gobolka Shabeellee katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/11/14 Kabosiicad oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/11/14 Fataatiirta oo Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay inta lahubsaday 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/11/14 Fardhiig oo dagmada Qabridahare katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga kudhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/11/14 Halgariga oo dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga itoobiya lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/11/14 Wartimire oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

26/11/14 Bulaale oo Dhagaxbuur katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku gubeen 1 baabuur oo nooca uuraalka ah waxaana ku basbeelay dhamaan ciidankii cadawga ee saaraa.

26/11/14 Dusmo oo dagmada Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

27/11/14 Haadaanta wuxuu dagaal ku dhaxmaray 2 ciidan oo kuwa cadawga ah waxayna goobta iskaga dileen 5 askari.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay