Waxaa maalintii Jimcaha lagu qabtay xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab xuska maalinta Hidaha iyo Dhaqanka ay gaarka uleeyihiin shacabka S.Ogadenia

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia OYSU fariciisa Dhagaxlay ayaa  ahayd mid aad loosoo diyaariyay loona soo qorsheeyay  waxaana kasoo qaybgalay guud ahaan xubnaha OYSU dhagaxlay qaar badan oo katirsan faraca midnimo ee xerada Dhgaxlay iyo marti sharaf kale. Waxayna xafladu si rasmi ah u furantay abaare 2:30 duhurnimo xiliga Dhadhaab.

DSC01127Sidii caadada ahad xafladan ayaa lagu bilaabay wacdi diini ah iyo aayad kamid ah qur’aanka kariimka ah oo uusoo jeediyay sheikh Aadan oo dadwaynihii faraha badna usharaxay dhaqankeena suuban oo diinta islaamka ugu horeyso inaan xoojino. Wuxuu yidhi Sh. Adan waxaanahay dad uu Allaah islaam ka dhigay gaysta dhaqanka wanaagsan oo ayna haysanin qaar badan oo bini’aadamka kamid ah wuxuuna sheekhu aad ugu dheeraaday dhaqanka ay gaarka u leedahay umada ree Ogadenia oo dhamaantii aan ka hor imaanaynin diinta islaamka marka laga reebo wax yar.

DSC01146Intaas kadib waxaa laguda galay xafladii oo manta lagu soo bandhigay waxyaabo aad ubadan oo kamid ah dhaqanka shacabwaynaha ree Ogadenia waxaana manta lasoo bandhigay sifiicana loosharaxay  labo qaybood oo kamid ah dhaqanka oo kala ah 1 qalabkii ay adeegsan jireen waalidiinteen oo qaarna muuqaal ahaan lookeenay qaarna isagoon goobta oolin laga bixiyay sharaxaad kufilin qofka aan aqoon ulahayn 2 waxaa sidoo kale lasoo bandhigay dhirta uu Allaah kumanaystay dalkeena oo qaarna lacuna qaarna qaarna ladhisto qaarna laysku daaweeyo qaarna siyaabo kale loo isticmaalo.

DSC01130Ugu horayna waxaa sharaxaad dheer lagabixiyay qalabkii ay adeegsan jireen dadka ree ogadenia oo ay kamid yihiin dhiilka, dhiisha, mooyaha, tibta, masafta, fandhaalka, xeedhada, dhuraha, koorta, hararka, kabada, iyo qaarkale oo aah qoraal lagusoo koobi Karin waxaana sifiican loosharxay qalabkan iyo sida loo isticmaali jiray. Waxaa sharaxaad lagakala bixiyay dhiisha oo dhoonhoraad iyo dhoondambeed iyo galoon iyo magacyo kale loobixiyay waxaa sidoo kale dhiilka loo kalaqaaday gaawe ,bidhe , toobke, salxiir, shiike iyo qaar kale waxaana goobta yaala qaar badan oo kamid ah qalabkan aan korkusoo sheegnay,

DSC01165Dhanka kale waxaa lasharaxay qayb kamid ah midhaha wadankeena kabaxa sida hohobta, ciidka, dhafatuurta, gomoshaha, jinawga, bacaroorka, likaha, damayuluqda, doonbirta, yicibta, uneexada, kordhista iyo qaar kale oo aad badan, sidoo kale waxaa lasooqaaday xabagta geedaha kabaxda oo qaar badan oo kamid ah laysku daaweeyo qaarno loo isticmaalo siyaabo kale. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay gurigii ay gali jireen dadka ree ogadenia isagoo aad loogu sharaxay da’yartii goobta fadhiday noocyada guriga iyo wixii laga samayn jiray

Waxaa sidoo kale lasoobandhigay masagadii lacunijiray iyo sida lootumijiray iyadoo ay gabdho kutumeen dadka hortooda iyagoo isticmaalaya qalabka loogu tala galay ee mooyaha iyo tibta kuna heesaya heesta loogu talagalay sida Ma tibtaan tib ahayn tib nin gooyay ahayn majintaan jin ahayn jin gashaanti ahayn.

DSC01136 DSC01140Waxaa sidoo kale lasharaxay qaabka masagada loohaadiyo sida loogurguriyo sida loo miihaaho iyo sida loosigiijiyo iyadoo la adeegsnayay masafta oo howlahaas oo dhan qabata.

Dhanka kale waxaa goobta lagu daawada gabdhaha ree ogadenia oo samaynayay kabada oo ah waxa ugu qaalisan aqalka lagalo iyagoo qaadaya heesta loogu talagalay ee kabdaha lagu sameeyo. Waxaan iyana meesha kamaqnayn qaabkii shukaansiga ee dadkii ree ogadenia.

DSC01151 DSC01152 DSC01153 DSC01156 DSC01171Guntii iyo gunaanadkii waxaa goobta khudbado dhaxal gal ah kasoojeediyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta jabhada ee xerada kusugan iyagoo dhamaan bulshada kuguubaabiyay in aysan hilmaamin dhaqankeenii suubanaa iyo diinteenii macaanad.

Sikastaba ha ahaatee waxaa waxaa manta laga bogtay qaybo badan oo dhaqankeenii kamid ah iyadoo ay madasha fadhiyeen da’yar aan dhaqankan horaan u arag waxaa sidoo kale manta ka bogtay dad ay sanado badan ugu danbaysay dhaqankeenii iyo cid kasheekaynaysa.

Xaflada manta oo ahayd mid wakhti dheer socotay dadkuna ay umalaynayeen in ay wax yar socotay ayaa soo gabagabowday abaare 5:00 galabnimo iyadoo kusoo dhamaatay sinabad ah.

DSC01143 DSC01159 DSC01160

ONA Dhadhaab.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay