Shir lagu abaabulayo Ururka Haweenka Seattle Washington ayaa shalay ka dhacay xafiiska Somali Community ee magaalada Seattle. Kulankan oo loogu gogol xaadhayey dhismaha Urur ay yeeshaan haweenka oo si rasmi ah uga taabo gala magaalada Seattle Washington iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqa haweenka, ururka OYSU iyo madaxda jaaliyada Seattle.

seattleDood dheer ka dib waxaa laysku af gartey in kaalinta haween Seattle kaga aadan yihiin halganka la buuxiyo, lana sameeyo shirar joogto ah oo tayada ururka lagu kobcinayo.

Dhinaca kale waxaa laysku booriyey in si fiican loogu diyaar garoobo ka soo qayb galka habeenka hidaha iyo dhaqanka Ogadeniya oo ururka OYSU qaban doono habeenka bishu tahay 20 December 2014.

Waxaa xasuusin mudan inuu socdo diyaar garowga shir heer caalami ah oo haweenka S.Ogadenya ay ku yeelan doonaan dalka Denmark dhamaadka bishan aynu ku jirno, shirkaasoo ay kasoo qaybgali doonaan wufuud ka kala timid qaaradaha caalamka. Bulshada S.Ogadenya ayaa aad u sugaya go’aanada kasoo bixi doonaa shirweynaha Haweenka ee Denmarka iyadoo la wada ogsoon yahay kaalinta ay Haweenka Ogadenya kaga jiraan halganka lagu xoreynayo dalka hooyo.

Seattle

A. Yare/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay