Umad ama shacab walba oo caalamka meel kaga nool waxay leeyihiin sheekooyin ay facaad ahaan isaga dhaxlaan. Sheekooyinkaa oo inta badan af isaga sheeg ah, ayaa waxaa lagu saleeyaa habka la rabo in facaada dambe ay u qadariyaan jiritaankooda umad/shacab ahaaneed. Inta badan sheekooyinkaa waxaa loo alifaa odayga loo nasab sheegto, Boqorada asaasay xukunka, halyay soo dagaalamay, iyo .. iyo, hadafka laga leeyahayna waa in meesha ugu sareya la gaadhsiiyo. Sheekooyinkaa oo loo yaqaano Quraafaadka dadka taariikhyahanka ah way ka soocaan Taariikha ay umadaasi leedahay. Hasaha ahaatee;

kebra negast1Waa shacabka kali ah ee sheekooyinka aan u kala soocin quraafaadka aan lahayn asaas cilmi ku dhisan oo shacab walba uu leeyahay iyo taariikhda sugan ee dugsiyada iyo jaamacadaha ay tahay in lagu dhigo. Shaqsiga Itobiyaanka ah waxaa ka mid ah astaamaha lagu yaqaano inuu aaminsanayahay sheekooyin (myths) Quraafaad ah, oo boqolaal sano oy caalamka intiisa kale ka xidhnaayeen ay soo urursadeen oo sida diinta ay haystaan ay u aamineen oo hadii la yidhaahdo arintaasi ma jirto oo quraafaad ay uga dhigan tahay in lagu yidhi diinta aad aminsan tahay waa quraafaad aan jirin. Waxaa jira kitaab ay leeyihiin oo la yidhaahdo Kebra Nagast oo agtooda la mid ah Injiil-ka oy lagaga sheeko quraafaad ay ka mid tahay meesha ay boqoradooda ka soo jeedaan.

Shacab markay caalamka kale u furfuran yihiin oy arkaan inay jiraan shacab la daris ah oo leh wax ay uga wanaagsan yihiin iyo wax looga wanaagsan yahay oo shucuubta kalee caalamka ku nool ay kala dhexeyso isu socot dhan walba ah, waxay fahmayaan inay arintu tahay qaado waxa lagaaga wanaagsan yahay oo keen waxaad ku wanaagsan tahay (hadday tahay fikir iyo hadday tahay qalabka la adeegsadoba). Waxaa kaloo ay umadaasi ogaanaysaa inay jiraan taariikh dhab ah oo dariskooda kala dhexeysa, taariikh caalamka intiisa kale kala dhexeysa iyo mid iyaga u gaar ah.

Labada qawmiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega oo la’isku yidhaahdo Xabashi waxay ahaayeen shacab ku xidh-xidhan buuraha waqooyiga Itobiya oo boqolaal sano aan halkaa kasoo daadagin. Markay abaar iyo macaluul haleeshona waxay iyagoo duulaan ah kasoo daadagi jireen buuraha oy kasoo dhaci jireen xoolo iyo hanti waxay haystaan shucuubta hareeraha ka ah. Hadday ka adkaadaan oo shacabkaa ay maquuniyaan, waxay hanti haystaan intay ka dhacaan ayay dib ula soo fuuli jireen buuraha ay daganayd boqortooyadooda.

queenofshebaQuraafada ugu xooga badan ee dadkaa Xabashida ah laga dhaadhiciyay waxaa ka mid ah in boqoradooda ay kasoo farcameen wiil uu dhalay nabi Solaymaan CS.

Sheekadan waa mid ay iyaga oo kali ah wariyaan waxayna yidhaahdaan; Boqorad la odhan jiray Sheeba oo Xabashi ahayd ayaa markay maqashay awooda Nabi Sulaymaan CS waxay ugu tagtay Qudus. Ka dibna way shukaansatay ilaa uu habeen ku dhoco.

Waxay sidaa ku dhashay wiil loo bixiyay Menelik 1aad oo noqoday boqorkii ugu horeeyay ee Itobiya. Sheekadaa khuraafaadka ah waxay ku dambeeysay inuu sheegto xayle Salaasie inuu dhalay nabi Sulaymaan inkastoo la ogaa haybtiisa. Waxaa markiisii hore la odhan jiray Teferi Mekonan, aabihii Ras Mekonan wuxuu ahaa nin beeralay ah oo xataa aan ahayn asalkiisa xabashida dhaladka ah,. Waxayna reerkiisa u bixiyeen markiisii hore Gudisa, hasa ahaateen markii la xabashiyeeyay ayaa loo bixiyay Mekonin. Xayle salaase markuu isagana qabsaday jagada wuxuu la baxay Boqorkii boqorada, Libaaxii Ree Judah oo ah qabiil ka mid ah 12ka farac ee ree bani israaiil, Ninkuu Ilaahay Doortay oo ah Awooda Saddexda gees (King of Kings, Lord of Lords, Conquering Lion of the Tribe of Judah, Elect of God and Power of theTrinity.).  Arimahaasoo idil waa sheeko quraafaad ku dhisan, ujeedada ugu badan ee ka dambaysana ay tahay in boqortooyada Itobiya loogu sameeyo taariikh dheer iyo inay kasoo jeedaan nabi Sulaymaan, si aanay dadka caadiga ah u haweysanin inay boqortooyada qabsadaan.

PFR3261Quraafaadka ugu weyn ee lagu xukumo ilaa hadda dadka masixiyiinta ah ee Itobiya ee ka dhalatay waxay ku sheegeen in wiilkuu ka dhalay Nabi Sulaymaan CS boqorada ay yidhaahdaan waxay ahayd Xabashi ee Bilqiis markuu 20jir noqday ayuu soo aaday Falastiin suu aabihii iyo wlalaaladii ula kulmo. Ka dib markuu aabahood dhintay oo uu dib u soo noqonayay ayuu soo xaday Taabuutkii ay ku jireen alaabtii Nabi Muuse CS oo dadka Yahuuda ah ay ishor qaadi jireen markay dagaalka galayaan. Hadaba sanduuqan ayaa masixiyiinta Itobiya laga dhaadhiciyay inuu yaalo kaniisad ku taala Axsum oo laga dhaadhiciyay inuu hayo ninka kolba xukuma kaniisadahoodaa isaga umbaana arki kara oo haysta furaha qolka uu ku jiro sanduuqaa.

Dhamaan caalamka masiixiga iyo yahuudaba sheekadaa ma aaminsana oo laguma hayo taariikhda qoran iyo midda odhaahda ah toona, waxaana la aaminsan yahay in markii la burburiyay Qudus ee la kaxaystay Yuhuuda in sanduuqaana lala tagay. Sidaa oy tahay hadana masiixiga Itobiya waxay ka mid tahay inuu rumeeyo sanduuqaa inuu yaalo Axsun iimaanka diintiisa.

Arimahaa oo idil anaga waxba nagama galin, waxaase na quseysa quraafada laga dhaadhiciyay dadka Itobiyaanka ah ee ah been aan raadna lahayn hadana ay adagtahay in laga fujiyo. Waxaa la aaminsiiyay inay boqortooyadooda xukumi jirtay gabi ahaan dalalka Geeska Afrika. Waa shacab sidaan soo sheegnay aan akhriyin taariikhda shucuubta kale, isla marahaantaa aan wixii lagu shubay ay adagtahay in laga shubo. Iyagoo sidaa iska dhaadiciyay oo aaminsan inay boqortooyadooda xukumi jirtay gabi ahaan Geeska Afrika ayay isla waqtigaa sheegayaan inuu ahaa Menelik ninkii balaadhiyay xuduuda boqortooyada Abyssinia ee u bixiyay magaca Itobiya. Waxaa taariikhda ku xusan waqtigii uu Menelik qabsaday magaala walba oo ka mid ah Ogadenya ama Oromiya.

eth133Tusaale ahaan ma diidayaan inuu Menelik qabsaday 1887kii magaalada Harar oo halkaa uu ku laayay boqolaal qof oo shacab ah isla markaana uu masjidkii weynaa ee magaalada ka dhigay kaniisad isagoo ku faanayana uu yidhi Kaniisadii Aayasofya ee Cismaaniyiintii Turkiga markay qabsadeen Istanbuul ay ka dhigeen Masjidka ayaan ugu aaray masjidka Harar.Taariikhda oo sidaa u jirta ayay hadana nimanka Xabashi u nasab sheegta waxaa ka dhaadhacsan inay xukumi jireen gabi ahaan Geeska Afrika, waliba kuwooda xag jireenka sii ah wuxuu sheegaa inay xukumi jireen ilaa xadka Koonfur Afrika.

Kitaabka uu qoray Jeneraal Jamac Maxamad Qaalib oo cinwaankiisu yahay – The Ogaden Versus The Mythical Ethiopian Claim –  ayuu waxyaaba badan ku ifinayaa in sheekashada Itobiya ee Ogadenya ay ku dhisantahay sheekooyin Quraafaad ah oo lasoo ururiyay oo aan lahayn raad cilmi ah oo la raaco. Waxaan isku dayi doonaa in aan qayba ka mid ah inaan dadweynaha u soo bandhigno.

Ogaden-Jama-M.-gallib

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay