ONLA15Wararka aan kahelayno wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaallo aad ubadan oo lagu wiiqay ciidamada gumaysiga ee dhulka Ogadenia xooga kujooga. Dagaaladan oo intoodabadan kadhacay Dagmada dhuxun ee Gobolka Nogob iyo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle ayaa inta lahubsaday waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 65 askari 85 kalana waa lagaga dhaawacay. Dagaaladan oo si isdaba joog ah usocday bishan gudaheeda ayaa udhacay sidan.

1/12/14 Golnabaadiino oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen kuwa cadawga waxay kaga dileen 1 askari 2 kalana way kaga dhaawaceen.

2/12/14 Duudcaanood oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha ee daalimka ah lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

2/12/14 Garbo’arah oo Dagmada dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

4/12/14 Jacjacle oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

4/12/14 Duud-jaleefanle oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta lahubo 1 askari tiro aan laxaqiijinin na waa lagaga dhaawacay.

5/12/14 Shankurusle oo Dhuxun katirsan dagaal xoog leh oo kadhacay waxaa ciidanka doolka ku jooga dhulka Ogadenia lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/12/14 Dhagaxa-dheer oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/12/14 Shaf-maroodi oo dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/12/14 Inacadaani oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/12/14 Xagaray oo Dhuxun udhaw weerar gaadma ah oo ay CWXO kuqaadeen ciidamada cadawga oo goobtaas kusugnaa waxay kaga dileen 2 askari 3 kalana way kaga dhaawaceen.

6/12/14 Yucub-dheere oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/12/14 Qulqul oo Iimaybari katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/12/14 Haarmaslay oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/12/14 Golnabaadiino oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/12/14 Biyomadow oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay inta lahubo 3 askari 4 kalana waa laga dhaawacay.

11/12/14 Simane oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob kadhacay dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhex maray waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 12 askari 20 kalana waa lagaga dhaawacay sidoo kale waxaa laga furtay 5 qori oo nooca darandooriga u dhaca ah.

12/12/14 Kaamdaawadiid oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay