Waxaa maalinimadii axadda ahayd ooy taariikhdu kubeegnayd 14/12/2014 ayaa waxaa dagmada Boodhcaano oo katirsan Gobolka Shabeele waxaa kadhacday dhacdo aad uyaab badan isla markaana uxanuun iyo argagax badan taasoo aan kucusbayn guud ahaan wadanka Ogadenya oo dadkii degmada daganaa umaleeyeen ineey maamul kusheeggii maqaar saarka ahaa ee Degmada horjoogaha u ahaa waasheen.

Ciidanka dabaqoodhiga ee jooga Degmada Boodhcaano ayaa soo qabtay gabadh yar oo 12 sano jirta kadibna waxay ku sameeyeen jidh dil aad udaran iyagoo madaxa ugaliyay bac basbaasle waxayna kudheheen ilmihii yaraa qiro inaad Jabhada ONLF ushaqayso ama taageersan tahay, gabadhii yarayd ayaa tidhi waan ushaqeeyaa markay naftu qabatay, kadib waxay kudheheen sheeg dadka kula shaqeeya. Gabadhii yarayd waxay tidhi caruurta magaalada joogta oodhan waa wada ONLF, kadibna waxay kuqasbeen inay farta kufiiqdo qaar kamid ah caruurtii magaalada ileen ilmahan yar ee ciqaabta iyo jidh dilka loogaystay wixii naftiisu kubadbaadayso wuu iska dhihi uun, gabadhii yarayd waxay tustay carruur labaatan kudhaw oo midka ugu wayni 10 sano jir yahay.

Ciidankii dabaqoodhiga ahaa iyo wayaanihii oo wada socda ayaa aad isugu dhexyaacay sidii iyagoo lasoo weeraray ama loosheegay dhacdo muhiim ah marka loo fiiriyo xaaladan aan kawaramayno, kadibna waxay soo qab qabteen ciyaalkii yaryaraa eey gabadhu sheegtay waxaana la keenay jeel kuyaala degmada, dadkii meesha daganaa aad ayay uyaabeen. Labo habeen markay xidhnaayeen ciyaalkii ayaa maalinimadii talaaada ahayd ooy taariikhdu kubeegnayd 16/12/2014 waxaa dadkii magaalada joogay dhamaantii salaaddii casar kadib la isugu geeyay meel degmada kamid ah waxaana galabtii oo idil lagala hadlayay waxyaabo kusaabsan Jabhada ONLF iyo ciyaalkii masaakiinta ahaa ee jeelka lagu xareeyay mudada labada bari ah dadkii degmadana ee lasoo shiriyay waxaa xataa loodiiday inay tukadaan salaaddii makhrib.

Oogu dambayntii xilli uu aasku madoobaaday ayaa dadkii lagu yidhi ciyaalka waxaa loo qaadayaa cod in lasiidaayo iyo inkale gacanta taaga ayaa lagu yidhi dadkii meesha lagu soo shiriyay, waxayna isku raaceen in caruurta jeelka laga siidaayo, waxaana meeshii lagula hadhay ilma yar oo wiil ah iyo nin laxidhay kadib markuu usheegay hay’adda WFP oo meesha maraysay xogtan kusaabsan ciyaalka meesha sida xaqdarada ah loogu xaraystay ee Jabhada ONLF ineey katirsan yihiin loohaysto hay’addii ayaa ciidankii kutidhi carruurta maxaad ku falaysaan siyaasadba ma yaqaanaane, ninkaasoo loohaysto sababtuu hay’adda ugu sheegay iyo ilmo 10 sano jira ayaa hadda xidhan wali, xiisaddiina way taagantahay.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay