Waxaa magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki lagu qabtay shir ay qabanqaabadiisa lahayd jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Finland. Shirkan oo ahaa mid wada tashi ah ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu gorfeeyo arimo badan oo kamid ah qorsheyaasha Jaaliyada ee sandka soosocda iyo natiijooyinkii waxqabadkii sanadkan dhamaadka ah.

Helsinki1

Waxaa kaloo aad loogu falanqeeyay wafti ladoonayo ineey ooga qaybgalaan Jaaliyada Shirwaynaha Haweenka Somalida Ogadenya ee lagu wado inuu kadhoco caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen 26-28/12/2014. Waxaa kulankan goobjoog ka,ahaa oo kaqaybgalay Halgame Badal iyo Madax kaloo sarsare. Halgame Badal ayaa warbixin meelo badan taabanaysa kasoo jeediyay madasha kulankan isagoo aad ooga warbixiyay xaalada guud ee halganka Somalida Ogadenya. Kulankan ayaa iyaguna warbixino aad uqiimo badan kasoo jeediyay masuuliin kamid ah madaxda Jaaliyada Finland. Shirkan ayaa kusoo idlaaday jawi aad uwanaagsan taasoo ujeedadii loosoo agaasimay laga yoolgaadhay.

Helsinki2

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay