Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha daneeya halganka xaqqa ah ee shacabka Somaliyeed ee Ogadenya inuu ka furmi doono magaalada Copenhagen caasimadda dalka Denmark Shirwaynaha 1aad ee Haweenka Somalida Ogadenya.

rooda_afjano1-698x1024-150x1501Dadweynaha Somaliyeed ee dagan Copenhagen iyo nawaaxigeeda ayaa loogu baaqayaa inay kasoo qaybgalaan xafladan oo bilaaban doonta 26/12/2014, iyadoo lagu soo bandhigi doono Suugaan Halgameed ay daadihinayaan Labada Abwaan ee kala ah Abwaanad Roodo Cabdi Ibraahim ( Roodo Afjano) iyo Abwaan Maxamuud Jaangoo.

Waxaa kaloo laga soo jeedin doonaa munaasabadan khudbado ay soo diyaariyeen wufuudda ka kala iman doona dunida daafaheeda iyo madax ka socota Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ( JWXO) oo marti ku ah Shirweynaha.

Sidoo kale waxaad kaheli doontaa adeeg aad idiin xiise galin doona haduu Ilaahay yidhaahdo.

DKhaween

Goobtu  Waa:- Gammel Køge landevej 117, 2500 Valby

Wakhtigu waa:- Jimacaha Taariikhdu tahay 26/12/2014 Saacadda markay tahay 18:00 PM. 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay