Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in labo pilot oo kamid ah duuliyayaasha Itoobiya ay la baxsadeen labadii diyaarad ee ay kala wadeen.

Duuliyayashan oo la kala yidhaahdo:Gaashanle Samuel Gidhay & Laba xidigle Ililiyen Mokonen ayaa shalay carbis ama tababar u duuliyey labo Helecopter kadibna dib usoo laaban waayey, waxayna ahayd inay daqiiqado hawada ku jiraan kadibna diyaaradaha soo dajiyaan halkii ay ka duuliyeen balse cabbaar kadib ayaa la ogaaday inay la baxsadeen diyaaradahaasi. Lama oga ilaa iyo hada halka ay ula baxsadeen balse waxaa loo malaynayaa inay u goosteen mid uun kamid ah wadamada dariska ah.

Baxsadka saraakiisha ciidamada iyo Deplamisyinta ayaa aad ugu sii badanaya xukuumada Itoobiya,10 cisho ayaa kasoo wareegtay markii ay xukuumada TPLF ka goosteen 2 Diplomasi oo sarsare kana shaqaynayay safaarada itoobiya ee wadanka South Korea.

Baxsadka duuliyayaasha ayaa waxaa si fiican uga faalooday ESAT TV ee ku hadla afka Amxaariga.

Halkan ka daawo:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay