Waxay jaaliyada magaalada Edmonton qabatay shir si heer sare ah loo soo abaabulay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan hawlwadeenada jaaliyada, madax sare oo katisan JWXO, isuduwaha jaalyadaha Canada iyo aqoonyahan DR Maxamuud Ugaas.

edmonton1Waxaa lagu furay shirka sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah oo uu soo jeediyey mudane Maxamed Macalin, ka dibna waxaa si rasmi  ah shirka u furay gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton mudane Cabdi Cali Xirsi oo halkaa ka soo jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysay. Wuxuu Gudoomiyuhu ka warbixiyey wax qabadkii jaaliyada, wixii u qabsoomay iyo waxa qabyada ka ah ee u baahan in la dhamaystiro. Wuxuu kaloo ka hadlay inuu sanadkii gabo gabo yahay lana galayo sanad cusub loona baahanyahay in la dajiyo qorshihii sanadka soo socda lagu hawl gali lahaa iyo sidii loo dardar galin lahaa hawlaha jaaliyada ee inoo yaala sida dhinac arimaha bulshada, abaabulka iyo dhamaystirkii ururka haweenka ee magaalaada Edmonton.

edmontonWaxaa intaa ka dib lagu soo dhaweeyey  shirka isuduwaha jaaliyadaha Canada Yusuf Ismaaciil oo warbixin gaaban  ka bixiyey hawlaha halganku meesha ay marayaan iyo waxa looga baahan yahay dhamaan jaaliyadaha Canada, wuxuuna carabka ku dhuftay in ay diyaar yihiin wufuudii loogu talo galay in ay Canada uga qayb galaan shirweynaha ururka haweenka Ogaadeeniya ee ka dhacaya Denmark.

Madasha waxaa lagu soo dhameeyey aqoonyahanka soomaalida ogaadeeniya Dr Maxmuud Ugaas oo halkaa warbixin gaaban kula wadaagay jaaliyada kaas oo ahaa dardaaran iyo sii xoojinta  hawlaha jaaliyada. Dr Maxamuud ugaas wuxuu ka qayb geli doonaa shirweynaha ururka haweenka ee ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark halkaas oo uu dhawaan gaari doono.

edmonton4 edmonton3 edmonton2jpg edmonton1 edmonton5jpg

Shirkaas oo muhiimad gaar ah u lahaa xubnaha ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u fiican oo la isku af gartay farxadna ay ka muuqatay.

ONA

Edmonton/Canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay