Xalay oo taariikhdu ahayd 20 bisha December 2014 waxaa magaalada Seattle Washington lagu qabtey habeenkii Hidaha ee Ogadeniya oo ay soo diyaariyeen ururka OYSU ee Seattle iyo marti sharafka kale oo ka kala timid OYSU Minnesota iyo OYSU California (San Diego).

IMG_2648

Runtii waxan odhan karaa xalay wuxuu ahaa habeen xusuus gaar ah ku yeelan doona taariikhda ururka OYSU ee North America iyo mida halganka reer Ogadeniyaba. Wuxuu ahaa habeen ay da’yarta reer ogadeniya iyo kuwa somaali weynba ay isku arkeen. Oysu waxay goobta ku soo bandhigtey Riwaayad xigmad xanbaarsan oo aad looga heley. Waxaa lugu ciyaarey dhaantooyin aad loo jeclaystey oo uu ninka dhalin yarada ah ee dhaantada ku can baxay Gorgor uu madasha ka qaaday. Sidoo kale waxaa iyana ciyaar qurux badan ku soo bandhigay goobta dhalinyaro soomaaliyeed.

Meesha waxaan iyana ka maqnayn qudbado ay soo kala jeediyeen madaxa OYSU ee Washington State Hinda Sheekh Maxamud sheikh Cabdiraxmaan, gudoomiyaha jahliyada Washington State Cabdulaahi Daahir, Gudoomiyaha OYSU San Diego Maxamed Nuur maxamud Cabdi Haybe, afhayeen guud ee OYSU Jabarti ismaaciil  Baynax, mude Saalax xubin OYSU reer Minnesota ah.

Maxamed Nuur wuxuu si gaar ah ula hadlay dhalintii meesha joogtay isaga oo kula hadlay afkay fahmayeen, wuxuuna kula dardaarmey inay codkooda ku dagaal galaan kuna soo biiraan OYSU.

Ali Yare

Seattle Washington

Sawirada Halkan Riix: 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay