Sidaan idiin kusoogudbinay wararkaanagii hore eed ONA kala socoteenba waxaa socday labadii bari ee lasoo dhaafay shirwaynihii Jaaliyada S.Ogadenia ee dalka  Norway kaasoo lagusoo gabagabeeyay magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway. Shirkan ayaa lagu lafoguray arimo badan oo geedi socodka halganka shacabka Somalida Ogadenya muhiim u ah iyadoo la is waydaarsaday afkaaro aad iyo aad dhaxal gal u ah dardar galinta iyo horumarinta halganka Ogadenya.

Oslo1oslo2

Gudiga Jaaliyadda Somalida Ogadenya oo xiligoodii uu dhamaaday ayaa soo gudbiyay warbixin waafi ah oo kusaabsan waxqabadkii  jaaliyadda ee labadii sono ee lasoo dhaafay iyagoo soobandhigay warxintii ooy lasocdaan muuqaalo ay kumuujinayaan waxqabadkoodii taasoo ahayd mid ay dadku aad oogu bogeen qaabkii loosoo agaasimay loona soobandhigay oo ahaa mid casri ah. Kadib waxaa shirka lawareegay gudiga dorashada oo iyagu in muda ah kasoo shaqaynaysay qaabka ay udhici doonto doorashadu iyagoo sharaxaad kasiiyay kasoa qaybgalaayasha madashada kulankan joogay qaabka ay dorashadu udhici doonto iyo barnaamijkan loogu talogalay ee ugaarka ah. Waxaa la gudo galay doorashadii iyo in ay xubnuhu codkooda dhiibtaan codka oo qarsoodi ahaa ayaa ku soo dhamaaday tiro aad isugu dhow, iyadoo uu noqday gudoomiyaha labada sano ee soosocda  Khaliif Abdi Ali.

oslo3oslo4
Waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub inuu madasha shirka kasoo jeediyo hadal kooban, gudomiyaha xilka loo doortay ayaa soo jeediyay khudbad kooban isagoo umahadceliyay dhamaan dadwaynihii goobta joogay isla markaana aad u amaanay mamulkii isaga kahoreeyay shaqadii wanaagsanayd eey qabteen xiliyadii lasoo dhaafay waxuuna  kacodsaday ineey lashaqeeyaan dhamaan xubnaha Jaaliyada ee xilka loodoortay. Guntii iyo gabagabadii shirka ayaa waxaa sooxidhay gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Norway isagoo soodhaweeyay gudoomiyaha cusub una duceeyay inuu ilahay xilkaas culus ee dusha lagasaaray uu ufududeeyo halkaasna kabalan qaaday inuu lashaqayn doono  hiil iyo hoona lagarab taganyahay. Shirkan ayaa lagu soogabgabeeyay jawi farxadeed oo aad u wanaagsan.

oslo5

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay