Waxaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden iyo nawaaxigiisa la ogaysiinayaa, in 3exda Bisha January 2015 maalinka Sabtida ah saacadu marka ay tahay kl 17:00 ama 5:00 galabnimo hadba sida looyaqaano inuu jiro barnaamij loogu talagalay Soomali weeyn oo ay inoo soo jeedin doonto Abwaanada caanka ah laguna magacaabo Roodo Ibrahim Abdi (Roodo Afjano ). Wuxuu ka dhici doonaa meesha lagu magacaabo (Tensta Träff).

Munaasabadan oo ah shir u furan dhamaan umada Soomaaliyeed ayaa lagugu wargalinayaa inuusan ku seegin. Waxaad ka kororsan doontaa Murti, Guubaabo iyo Gabayo ay inoo daadhin doonto Abwaanada.
Isla taariikhda, isla maalinka Sabtida ah fiidnimada saacadu markay tahay kl 21:00 ama 09:00 habeenimo hadba sida loo yaqaan, waxaa daba socda barnaamijka, Show uu idiin soo diyaariyay Boqorka Dhaantada Maxamoud Jaango.

Qiimaha Showguna waa mid ku raali galin doona ee ha moogaan oo yuusan ku seegin, waxaana lagu qaban doonaa Hall-ka weeyn ee caanka ah Tensta Träff.

jango

Ayan Haidar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay