Waxaa caasimada wadanka Norway ee Oslo lagu qabtay kulan balaadhan ooy iswadjir ah usoo agaasimeen Maamulka Jaaliyada Somalida Ogadenya iyo Ururwaynaha Midawga Ardayda iyo Dhalinyarada Somalida Ogadenya ee marka lasoo gaabiyo looyaqaano OYSU.

Munaasabadan oo lagu soodoortay Xoghayaha cusub ee ururka OYSU faraciisa Norway. Xubanaha ururka dhalinyarada iyo aradayda Ogadenia  ee Wadanka Norway ayaa si aqlabiyad ah ooy farxad iyo rayn rayn ku dheehantahay ku ansixiyay Xoghaya ururka OYSU ee wadanka Norway kaasoo loodoortay Mudane Cabdiqaadir Khaliif. Munasabadan lagu doortay xoghayaha ururka OYSU ayaa ahayd mid ay kasoo qaybgaleen dhalinyaro badan ooy kamuuqatay xamaasad iyo wadaniyad iyagoo halkaasi kamuujiyay taageero hiil iyo hooba leh taasoo ay lagarab taaganyihiin xoghayaha cusub ee ladoortay.

OYSU-norway

Gabagabadii iyo gunaanadkii kulankan taariikhiga ah ayaa waxaa halkaasi kahadlay oo khudbad kooban kasoojeediyay Mudane Cabdiqadir Khaliif oo tilmamaay inuu dadaal badan galindoono siduu ururka OYSU ooga muuqan lahaa kaalintiisii loogabartay waxuuna dhalinta kacodsaday ineey kaga dhabeeyaan balan qaadkooda ahaa taageerida iyo xoojinta halganka Shacabka Somalida Ogadenya ee lagu baadi goobayo inuu aayihiisa katashado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay