Gudiga Maamulka Qaxootiyada Ogadeeniya ee dalka Yemen ayaa xafladan loogu mahad celinayay Haya’da UNHCR ku qabatay xafiiska jaaliyadda. Waxaa kaloo lagu gudiinsiiyay munaasabadaa xubno kamid ah jaaliyadda shahaado sharaf  ay ku mutayteen shaqo wanaaga ay u qabteen jaaliyadda Somalida Ogadeniya ee dalka Yemen ku nool.

yemen3

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galey haya’do badan oo caalamiya dhamaan shucuubta kala gadisan ee ku nool dalka Yemen.

Waxaa lagu soo bandhigay xafladda waxyaaba badan oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka ay shacabka Ogadeeniya caanka ku yihiin sida dhaantada iyo heesaha, gabayga iyo hal abuuro faro badan.

Waxaa xaflada khudbado kala duwan ka jeediyay xubno ka kala socday haya’da kala duwan oo UNHCR ay ka mid ahayd, iyadoo hanbalyo iyo bogaadin loogu soo jeediyay maamulka qaxootiga Ogadenya iyo dadka kasoo qaxay Ogaadeeniya ee kunool dalka Yemen oo muujiyay isku duubni iyo maamul wanaag.

yemen1

yemen2

yemen

yemen4

Xaflada ayaa waxay udhacday si aad u qurux badan oo martidii meesha isugu timid aad ufarxad galisay, waxayna kusoo gaba-gabawday farxad iyo bogaadin.

Guul iyo Gobonimo.

Guure/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay