Maamulka iyo xubnaha Jaaliyada Ogaadenya ee Koonfur Afrika (JOKA) ayaa shir ku qabatay magaalada Pretoria ee Xarunta Dalka Koonfur Afrika. Shirka ayaa ahaa mid ay ka muuqato xamaasad iyo cadho waynoo ay xubnaha jaaliyadda ka muujiyeen sida akhlaaq xumada ah ee maamulka ka arimaya gobolka Puntland ay u noqdeen meel looga adeego gumaysiga Ethiopia isla markaana lagu barbaariyo cadawga soo jireenka ah ee Soomaaliyeed. Waxay xubnaha shirka isugu yimid ku cambaareeyeen shirkoda falalka fulaynimada ah ee dadka Somaliyeed loogu gacan galiyo cadawga Itobiya.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Jaaliyada ayaa ahaa midkii ugu xamaasada adkaa intii ay Jaaliyadu shir qabanaysay. Jaaliyada ayaa horay usii daysay Bayaan kusocda umada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolada Bari ee Soomaaliya ay ku cambaareynayaan falalka maamulka PL.

 

joka2

joka1

joka

Fariinta Shirkan oo ah mid xanbaarsan Digniin kusocota shacabka deegaankaas waxaad ka daawan doontaan Ilays Tv iyadoo muuqaal ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay