Waxaa hada sitoos ah ooga furmay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark Shirwaynihii Ururwaynaha Haweenka Somalida Ogadenya. Shirkan ayaa socon doona mudo sadex bari ah. Waxaa kasoo qaybgalay shiwaynaha wufuud fara badan oo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Waxaa kamid ah wufuuda caalamiga ah ee munaasabadan maanta kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO, Adm, Maxamad Cumar Cismaan iyo madax kaloo kamid ah hogaanka sare ee Jabhada JWXO.

Waxaa kaloo goob joog ka ah munaasabadan labada Abwaan ee guud ahaan umada Soomaaliyeed caanka ka ah waa Abwaan Maxamuud Jaango iyo Abwaan Roodo Cabdi Ibrahim (Af-Jano). Waxaa lagu soo bandhigi doonaa shirkan sugaan halgameed aan lasoo koobi Karin.

Faah faahinta dhacdooyinkan shirkan waxaad kaga bogan doontaa wararkaanaga dambe haduu allaha awooda lihi karaali noqdo Inshaa Allah.

shir. haweenka1

shirweynihii haweenka

shirwey. haweenka

shir. haweenka4

shir. haweenka5

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay