Wararka aan ka helayno Ogaadeeniya ayaa sheegaya in baabuur ay lahaayeen gacanyarayaasha cadawgu shil ku galay meel u dhaxaysa Iimay Bari iyo magaalada Goday
Gaadhigan ayaa shilkiisu sababay geerida 2 ruux halka ay gabadhi dhaawaca liita tahay
Dadka shilkaas ku dhintay waxaa kamid ah darawalkii gaadhiga oo lagu magcaabijiray Sabaaxa oo aanaan helin magiciisa saxda ah balse caan ku ahaa magacaas iyo Bashiir Qaadin Xasan oo ahaa wiil shacab ah waxaana dhaawac ah gabadh lagu magacaabo Ruqiya Cabdulaahi Mahad.
Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah horjoogayaasha Hawaarinta ee magaalada Iimay Bari uu kudhaawacmay shilkaas.
Si kastaba ha ahaatee waxaa waayadan danbe soo badanaya shilalka baaburta cadowga ee wadanka Oaadeeniya ka howlagal taas oo sababta dhimasho iyo dhaawac isugu jira adeegayaasha gumaysiga iyo dad shacab ah oo ay horay si qasab ah ugu soo kaxaystaan markay safar galayaan si ay uga badbaadaan ciidamada ONLF,Shilkii ugu danbeeyay ayaa dhacay 26/12/2014 waxaan Alle uga baryaynaa dadka shacabka ah ee wax ka noqda shilalkaas in uu uboogo dhayo.

ONA/Godey

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay