Waxaa maalintii labaad si habsi leh uga socda magaalada Copenhagen ee dalka Denmark shiweyne lagu midaynayo urur hoosaadyada haweenka Ogadenya ee shanta qaaradood,maalintii shalay ahayd ee Jimcaha ayuu si rasmi ah shirkaasi u farmay waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah madaxda ururka ONLF oo uu horkacayay gudoomiyaha ONLF,wufuuda shirkaas kasoo qayb gshay oo isugu jira hooyooyin iyo gabdho da,yar ah ayaa uga kala yimid shanta qaaradood dad badan ayaa isweydiinaya magaca loo bixin doono ururkaas sida ururka OYSU oo magacaas loo baxshay June 2010 kii markii isagana lagu yagleeyey isla magaalada Copenhagen oo aadba moodo wadanka Denmark inuu ururku u astaystay mideynta hay,adaha ururka .

Jaaliyadda Denmark oo sharaf iyo maamuusba ku heshay marti galinta midaynta hay,adaha ururka iyo qabashada shirarka waaweyn ayaa akhristayaasha weydiinaysa magaca kasoo dhex bidhaami doona shirweynaha ururka haweenka Ogadenya?

 

Daawo sawirda Shirka…..

IMG-20141227-WA0007 shirwey. haweenka shir. haweenka1 IMG-20141226-WA0008 shir. haweenka4 shir. haweenka5 IMG-20141226-WA0002 IMG-20141226-WA0001 IMG-20141227-WA0004

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay